Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Golihiisa Wasiirada Ku Sameeyo Xil Ka Qaadis, Isku Shaandhayn Iyo Magacaabista Wasiiro Cusub

0
530

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu dhawaan xil ka qaadis, magacaabis iyo isku shaandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya go’aankan laga filayo Madaxweyne Siilaanyo, haddana warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu samayn doono isku shaandhayntii ugu balaadhnayd, isagoo doorkan abaari doona wasiiro miisaan leh oo ka mid ah kuwa ugu culus golihiisa xukuumadda. Warku wuxuu sheegayaa in Madaxweynuhu golihiisa ku soo kordhin doono wasiiro iyo maareeyayaal ka soo jeeda gobalka Awdal oo ay dhawaan madaxdhaqameedkoodu u soo bandhigeen Madaxweynaha tabasho la xidhiidha dhinaca saami qaybsiga. Ilahani waxay intaas ku darayaan in wasiirada cusub ee Awdal ay ka mid noqon doonaan rag sumcad ku leh gobalka Awdal iyo guud ahaan Somaliland.

Wasiiro kale oo culus oo ka soo jeeda beelaha kale ayaa iyaguna sida la saadaalinayo meesha ka bixi doona, iyadoo qaarkoodna lagu samayn doono bedelaad.

Geesta kale, waxa ay bulshada Somaliland isha ku haysaa in Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista la filayo uu ku soo dari doono wasiirada beesha bariga Burco ee uu madaxweynuhu ka soo jeedo oo afar sannadood iyo badh uu xilka hayay aanu marna ku samayn xil ka qaadis iyo isku bedel, marka laga reebo wasiirkii arrimaha bulshada marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo uu ku bedelay wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal.

Wasiiradan oo weliba haya wasaarado miisaan leh, ayaa la eegayaa in Madaxweynuhu ku dhiirado doorkan iyo inuu isha ka laliyo. Waxaanay dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in haddii aanu Madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku samayn isbedel miisaan leh oo cadaaladeed ay go’aamadiisu noqon doonaan kuwo aan wax badan soo kordhin.

Si kastaba ha ahaate, haddii ay dhabowdo waxa ay isku shaandhayntani ku soo beegmaysaa iyadoo ay shan bilood ka hadhsanyihiin shantii sannadood ee xilka Madaxweynenimo loo doortay oo ku beegan 26 June 2015.