Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Natiijada Kulankii Uu La Yeeshay Wasiirka Horumarinta Ee Dawladda Denmark, Xidhiidhka Labada Wadana Ku Tilmaamay Mid Qoto Dheer

0
1024

Picture9Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in kulankii uu la yeeshay wasiirka horumarinta Denmark toddobaadkan, uu ahaa mid midho dhal ahaa. Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku sheegay inay labada dal ee Somaliland iyo Denmark leeyihiin xidhiidh qoto dheer. “Kulan midho dhal ah ayaan la yeeshay wasiirka horumarinta Denmark Mr. Jensan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Somaliland iyo Denmark waxay leeyihiin xidhiidh qoto dheer oo saaxiibtinimo.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa saddex maalmood ka hor madaxtooyada kulan kula yeeshay wasiirka Denmark oo isagoo hoggaaminaya wefti tiro badan soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxaanu wasiirku kulankaas ka dib sheegay inay dawladda Denmark aqoonsantahay wax qabsiga iyo horumarka Somaliland ka tisqaaday.

Dawladda Denmark ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan siiya sanduuqa horumarinta Somaliland, waxaanu wasiirka reer Denmark safarkiisa Hargeysa ka hor soo maray wadamada Kenya iyo Somaliya.