Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Guuray Qasriga Madaxtooyada, Una Guuray Gurigiisa

24
2606

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha talada dhawaan wereejinaya Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka guuray qasrigii madaxtooyada, waxaanu u guuray hoygiisii uu hore u degenaan jiray.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay guuritaanka Madaxweynaha, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu madaxtooyada ka guuray  Salaasadii toddobaadkan, ka dib markii uu kulankii ugu dambeeyay toddobaadkan golihiisa wasiirada kula yeeshay madaxtooyada.

Lama oga in madaxweyne Siilaanyo subixii ka soo shaqo tago gurigiisa oo uu yimaado xafiiskiisa madaxtooyada maadaama oo aanu weli xilkii si rasmi ah u wareejin iyo inuu hawlaha ka wado gurigiisa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wefti ka socday dalka Djibouti wuxuu khamiistii ku qaabilay gurigiisa uu hadda degenyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here