Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa marwo Edna Aden Ismaaciil u magacaabay ergayga gaarka ah ee wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Somaliya.
Warsaxaafadeed madaxtooyadu soo saartay ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4921/072017 uu maanta ku magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya.
MADAXWEYNUHU:
Markuu
Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ku
Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;
Markuu
Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas'uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu
Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;
Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas'uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.”
Xarunta CPA
Geesta kale xarunta CPA ee daraasaadka siyaasadda ayaa soo dhawaysay magacaabista marwo Edna Aden Ismaaciil. Warsaxaafadeed ay xaruntu soo saartay ayaa u qornaa sidan ““Xarunta daraasaadka siyaasadda ee CPA (Center for policy analysis), waxa ay soo dhawaynaysaa magacaabista uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay marwo Edna Aden Ismaaciil inay noqoto ergayga gaarka ah ee wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Somaliya.
Xarunta CPA waxa ay marwo Edna Aden u aragtaa inay tahay qofkii ku haboonaa xilkaas, marka laga shidaal qaato arrimahan:
– Marwo Edna Aden waa qof haya taariikhda Somaliland oo bulshadana kalsooni wadareed ka haysata.
– Beesha Caalamka xidhiidh wacan la leh oo saaxiibo badan ku leh
– Waayo aragnimo iyo Aqoon fiican u leh oo u soo joogtay midnimadii hore, dawladnimadii hore, iyo burburkii dhacay iyo haatan halka dalku marayo.
Edna Aden, waxay ka mid tahay guddiga aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaas daraadeed waxa ay CPA u aragtaa Marwo Edna Aden qofkii ku haboonaa xilkaas, waxaanay balan qaadaysaa inay la shaqayn doonto wixii awoodeeda ah, Allena waxay uga baryaysaa inuu xilkaas u fududeeyo.”