Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Dhaqan Geliyay Xeerka Isgaadhsiinta Dalka

0
751

 

odaygaHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa shalay digreeto ku dhaqan geliyay xeerka Isgaadhsiinta dalka oo ay dhawaan ansixiyeen labada gole Barlamaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada, ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo)  waxa uu soo saaray Digreeto Madaxweyne oo ah Dhaqan-galka Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta.

Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi sidan:-

 Markuu Arkay:                 

Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 Markuu Helay:                    

 Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/526/2011, ee Ansixinta Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta,

 Markuu Arkay:                  

 Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuu Soo Saaray,

Dhaqan-galka Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 50/2011.”