Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Dhisme Loo Dhisayo Booliska Somaliland

0
677

Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisaayo taliska Booliska, kaas oo lagu bedelayo dhismihii hore ee booliska oo ay dawladda Ingiriisku dhistay sannadkii 1936, waxaana dhismahan dhisaysa isla dawladda Ingiriiska.

140

Munaasibadii uu Madaxweynuhu ku dhagax dhigayey dhismahan cusub, oo ka dhacday xarunta taliska Booliska, ayaa waxa ka qayb galay taliyaha Booliska iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Cabdilaahi Fadan Iimaan oo munaasibadaas hadal ka soo jeediyey ayaa hadalkiisi ku bilaabay sidan “Muddane Madaxweyne waxa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaad maanta dhagax dhigtay dhisme cusub, oo uu yeelan doono taliska guud ee Ciidanka Bileysku, Muddane Madaxweyne waxa uu dhismahani ka mid yahay horumarka iyo hiigsiga iyo himilada aad qaranka ku hogaaminayso, ee ahayd wax-qabadkii Jamhuuriyada Somaliland ee aad madaxda noogu tahay, ee aad ku hogaaminayso, waxa kale oo aad indhahaaga ku arki doonta dhismayaal casriya, oo Ciidanka Bilaysku leeyahay, ku soo aragtay oo ay fulisay Hay’adda ASI UK,Muddane Madaxweyne dhismahan muuqda waxa la dhisay 1936-kii, oo hadda laga joogo muddo 80-sanno ah, waxaana aad iyo aad kugu mahad celinayaa horumarka aad dalka la hiigsanayso, ee aad suuragalisay in taliska Ciidanka Booliska loo dhiso iyo waddooyinka aad u martay aniga oo aad iyo aad kaga mahadcelinaya, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Dawladda Ingiriiska, Hay’adda DFID, oo maalgalisay, iyo Hay’adda UNPOS, oo fulinaysa dhismahan.

Madaxweyne dhismaha halkan ku yaala waa la duminayaa, waa halka laga sameeynayo taliska cusub,ee laga dhisaayo Gurigan cusub ee aad maanta noo dhagax dhigtay, ILLAAHAY nabad qab iyo badhaadhe ha inagu gaadhsiiyo, waana horumarka Qaranka Somaliland hiigsanayo, dhab kasta oo aad u martana aad iyo aad ayaan Muddane Madaxweyne kugu mahadcelinaynaa”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancadde, oo isna munaasibadaas dhagax dhiga ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweyne runtii sidaas uu Taliyuhu sheegay meeshani waa meel qadiima, waa halkii Booliska Somaliland lagu aasaasay,Ingiriiska ayaa inoo dhisay 1936-kii, maanta oo aynu joogno 2016-kii, iyaga ayaa inooga dhisay Guri casri ah oo ah Taliskii guud ee Booliska Somaliland,muddo sannad ka yar oo aynu ka dalbanay sideetan sanno ka bacdi ayaa Ingiriiska inagu soo noqday oo aynu saaxib ahayn”.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan mashruucan muhiimka ah dhagax dhigo, aadna waxan ugu mahadcelinayaa dawladda Ingiriiska iyo cid alle cidii innagala qaybgashay mashruucan dhismihiisa, muhiimad weynbuu u leeyahay Qaranka Somaliland Illaahayna waxaan inooga rajaynayaa inuu guul weyn inaga gaadhsiiyo insha allaahu tacaala”

Dhanka kale waxa isna halkaas ka hadlay Robert oo ka tirsan Hay’adda fulisay dhismahan, waxaanu u mahadnaqay Madaxweynaha, waxaanu sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha guddaha iyo Ciidanka Booliska.