Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Dhaamka Biyaha Ee Xumbo-weyne

0
582

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa deegaanka Xumbo-weyne shalay ku dhagax dhigay mashruuca dhaamka Xumbo-weyne oo kaydindoona biyo baaxadooda lagu qiyaasay  500,000 Metric Cubic. 

wwwwwwwwwwwwwwwwwww

Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhagax-dhiga ka dib halkaasi hadal ka jeediyey ayaa waxaanu si kooban u yidhi “Waxaan jecelahay in aan Odayaasha Deegaanka uga mahadceliyo soo dhaweynta diiran iyo taageerada ay la barbar taagan-yihiin dawladda, taas oo inoo suurto-gelinaysa in aynu raacno dhabaha guusha meelna uga soo wada jeedno sidii dalka iyo dadkuba u dhismilahaayeen.

Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa Dawladda Imaaraadka Carabta oo inoogu deeqday dhaamkan iyo mid kale oo laga dhisi doono deegaanka Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, waxay ka fulin doonaan mashaariic kale oo qiimo leh goobo kale oo muhiima.”

Sidoo kale waxa halkaasi hadalo ka jeediyey Wasiirka Biyaha, Masuul ku hadlaayey afka shirkada gacanta ku haysa dhismaha dhaamka iyo Odayaasha deegaanka.

Iyadoo madaxweynaha hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyey Beer weyn oo ku taala Deegaanka Xumbo weyne, isagoo madaxweynuhu shacabka deegaanka ku dhaqan kala hadlay barxad weyn oo ay isugu soo baxeen loona qorsheyey in madaxweynaha lagu soo dhaweeyo, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad aad u tiro badan oo jewi wanaagsan iyo farxad ku qaabiley madaxweynaha iyo weftigiisa.