Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa wasiir ku xigeenka wsaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda u magacaabay Md. Cabdikariim Axmed Mooge, oo ah nin dhallinyaro ah oo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee firfircoon. Waxa kale oo uu madaxweynuhu la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada u magacaabay Maxamed Iid Dhinbiil.
Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Mr. Axmed Saleban Dhuxul, oo u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
LA-TALIYAHA.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay In baahi loo qabo buuxinta jagadan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.”