Madaxweyne Siilaanyo Oo Berbera Safar Ku Jooga

0
521

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo qoyskiisa, ayaa shalay safar gaar ah ku tagay magaalo xeebeedka Berbera ee gobalka Saaxil.

Socdaalka madaxweynaha oo aan wax war ah oo rasmi ah laga haynin, ayaa loo malaynayaa inuu la xidhiidho biyaha badda Berbera oo uu madaxweyne Siilaanyo soo galayo, iyadoo uu sannadkan 2014 tiraba afar jeer soo galay biyaha badda Berbera. Halka ay warar kalena sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo furi doono mashaariic laga hirgeliyay dekedda magaalada Berbera.

Madaxweynaha oo shalay gelinkii dambe gaadhay Berbera ayaa la filayaa inuu maanta gelinka dambe ka soo noqdo, kuna soo laabto caasimadda Hargeysa.