Madaxweyne Siilaanyo Ma Lix Bilood Ayaa Loo Kordhin Doonaa Mise In Ka Badan?

0
524

Hargeysa(Geeska)-Waxa muuqata in abaarta jirta darteed Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa loo sameeyo muddo kordhin, ka dib marka ay xisbiyadu isku raacaan.

1

Xisbiyada mucaaradka ayaa isku raacay in muddo lix bilood ah loo kordhiyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo noqonaysa muddo kordhintii labaad. Xisbiga KULMIYE ayaa inkastoo aanu weli mawqifkiisa cadayn haddana la saadaalinayaa inuu isna ku raaci doono mudadaas lixda bilood ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa mudadan lixda bilood ah ku salaynaya wakhti la filayo in shacabka reer Somaliland ee xoolo dhaqatada ahi ka baxeen abaarta islamarkaana dadka xeebaha ku nooli ay ka gudbeen bilaha adag ee xagaaga, waxaanay aaminsanyihiin in lixda bilood yihiin muddo kordhin lagaga gudbi karo caqabadaha dalka ka taagan.

Waxase jira walaac laga qabo in golaha guurtidu ka gudbaan xadka soo jeedinta xisbiyada ee lixda bilood islamarkaana ay kordhiyaan muddo ka badan lix bilood oo lagu qiyaasayo sannad iyo wixii ka badan.

Hase yeeshee, waxa la aaminsanyahay inaanay golaha guurtidu ka gudbi karin mudadaas la isku raaci doono, haddii uu Madaxweyne Siilaanyo shirguddoonka culays ku saaro inaanay dhaafin mudadaaas qaranku isla gartay si doorasho dalka uga qabsoonto.

Waxaanu go’aanka kama dambaysta ahi ku xidhnaan doonaa guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo arrimo caafimaad dibadda ugu maqan islamarkaana la filayo inuu dhawaanahan dalka ku soo laabto.