Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Maraykan Ah Oo Ka Wada Hadlay Doorasho Wakhti Macquul Ah Ku Qabsoonta

0
511

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xarunta madaxtooyada kula kulmay wefti Maraykan ah oo uu hoggaaminayo ku ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya danjire Brain H. Phipps.

Kulanka ayaa waxa ay Madaxweynaha iyo ergaygu kaga wada hadleen laba qodob oo kala ah arrimaha doorashooyinka iyo qaxoontiga Yemen uga imanaya Somaliland.

Danjiraha Maraykanka ah oo markii uu shirku dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa dawladda Somaliland uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Hargeysa, waxaanu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen qaxoontiga ka imanaya Yemen.

Wuxuu sheegay in Maraykanku Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho wakhti macquul ah ku qabsoonta,  “Waxaanu Somaliland si xooggan ugu taageernaa Doorasho Wakhti Macquul ah ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah. Somaliland waxay hirgalinta Dimuqraadiyadda wadday tobanaan sanno, waxay hirgalisay Hay’addaha Dimuqraadiyadda, waxaanuna ku taageeraynaa in la sii horumariyo Mustaqbalka, waxaanuna yeelanay kulan iyo wada hadal aad u wanaagsan” ayuu yidhi Safiirka Maraykanku.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna kulanka ka dib halkaas ka hadlay ayaa yidhi

 “Waxay nagala hadleen uun Arrimaha doorashada iyo sidii si qiimo leh loogu qaban lahaa, la iskuna fahmi lahaa. Sidoo kale waxay nagala hadleen arrimaha amaanka iyo sidii ay inooga caawin lahaayeen culayska Yemen ka soo kordhay. Sidoo kale sidii horumarka la iskaga kaashan lahaa ayaanu ka wada hadalnay”

Kulanka wax kale oo ka qayb galay wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, wasiir xigeenka arrimaha dibadda Mawliid Maxamuud Ibraahim iyo xoghayaha Madaxweynaha Cali Axmed Cali,.