Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo La Filayo Inay Caawa Kulan Gondaha Is Daraan Iyo Loolanka KULMIYE Oo Cirka Isku Sii Shareeraya

3
571

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ku gudo-jira xal u raadinta loolanka hoggaaminta xisbiga KULMIYE, oo ka dhexeeya guddoomiyaha xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana la filayaa inuu caawa kulan la yeesho Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Siilaanyo oo isku dayay inuu habeenimadii Sabtidii arrintan ku xaliyo kulan uu isku soo horfadhiisiyay guddoomiye Muuse iyo Wasiir Samaale, oo ay weheliyeen masuuliyiin kale, ayaa wuxuu kulankaasi noqdy mid lagu kala kacay ka dib markii ay labada dhinac hadaladu ka taag-taagmeen. Waxaanu tan iyo wixii habeenkaas ka dambeeyay Madaxweyne Siilaanyo sida la sheegay u tafo-xatay xal u raadinta mawduucan oo ku biiray iyadoon weli la xalin khilaafkii Madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka oo aan weli si rasmi ah la isku soo horfadhiisin.

Sida ay sheegeen warar uu Geeska Afrika, helay Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Axadii doraad u diray Muuse Biixi Cabdi, wasiirkiisa madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isku dayay inuu guddoomiye Muuse ku qanciyo inuu kulan la yeesho Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaana la filayaa inay caawa kulan gondaha isku daraan Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo la filayo inuu nuxurka kulankoodu noqdo xiisada ka dhex oogantahay gudaha xisbiga KULMIYE oo uu Madaxweynuhu oday u yahay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu ku jiraa laba daran mid dooro. Waxaanu ka fikirayaa sida uu ugu kala qaybsami karo Wasiir Samaale oo ay saaxiib dhow yihiin iyo guddoomiye Muuse Biixi oo ay waayo badan soo wada mareen. Waxaanu doon-doonayaa xal uu labadoodaba ku qanciyo.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee SOLNAC, Mr. Cabdikariim Xinif, ayaa isna sheegay inuu isu sharaxayo jagada guddoomiye-xigeenka KULMIYE oo uu Maxamed Kaahin Axmed ku fadhiyo, waxaanu dhawaaqa Mr. Xinif sii kordhinayaa loolanka reer KULMIYE.

Geesta kale, xubno ka tirsan odayaasha ugu miisaanka culus golaha guurtida ayaa xalay Madaxweynaha la yeeshay kulan ay albaabadu u xidhanyihiin, kaas oo la sheegay inuu salka ku hayay xaaladaha soo kordhay ee ay ka mid yihiin is mari-waaga ka dhex jira Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo loolanka ka dhex jira madaxda KULMIYE oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu saamayn ku yeelanayo hawlihii qaranka, maadaama oo uu yahay xisbul xaakimkii dalka.

Comments are closed.