Agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee wasaarada Madaxtooyada In Aw Liqe Oo Is Casilay

1
633

images (1)Hargeysa (Geeska)- Waxaa goor dhawayd is casilay agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee wasaarada madaxtooyada Somaliland Md Cismaan Cabdi Ismacil (Ina Awr Liqe).

 

Wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, hase ahaate wax faah faahin ah kamuu bixin, waxaanu intaas ku daray inuu ka war sugaayo jawaabta uu madaxweynaha Somaliland ka bixiyo warqada is casilaada ah.

Masuuulkan is casilay ayaa sheegay inuu dhawaan ka hadli doono sababta keenay is casilaadiisa, taas oo aan haatan si rasmiya loo ogayn.

Xiliga uu is casilay ayaa ku soo beegmay wakhti dabaylo siyaasadeed ka dhex hoganayaan xisbiga Kulmiye ee talada haya.

Comments are closed.