Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cabdiraxmaan-Cirro Oo Xalay Kulan Yeeshay

0
804

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan madaxtooyada kula yeeshay guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiyaha mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

11

Kulankaas oo aanay wax war ahi ka soo bixin, ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Silaanyo dalbaday, waxaana la sheegay inuu Madaxweynuhu;  guddoomiye Cirro ka codsaday inuu aqbalo dib u dhigista diiwaangelinta oo uu xisbiga Waddani mawqif adag ka qaatay.

Lama oga in Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro aqbalay soo jeedinta Madaxweyne Siilaanyo oo uu bedeli doono mawqifka uu xisbiga Waddani ku diiday dib u dhigista diiwaangelinta cod bixiyayaasha.

Xisbiga Waddani ayaa hore u sheegay inaanay jirin sabab dib loogu dhigo diiwaangelinta, maadaama oo gobalada Awdal, Hawd, Gabiley iyo Saaxil oo ay abaar  ba’ani ka jirtay ay ka soo dhammaatay diiwaangelintu.