Madaxweyne Rayaale Oo Ka Digay In Xisbiyada Loo Geliyo Shaadh Qabiil

0
633

Baarama {Geeska}- Madaxweyne Rayaale Ka Hadlay Cabashada  Saami Qaybsiga Kuwaasta Golaha Wakiilada  Taagan           “Anagu markaas xisbinimo ayaanu wax ku wadnay laynkii xisbinimada ayaad moodaa in laga baxay oo taasi ay waxyaabo badan keentay “

Boorame(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka hadlay saami qaybsiga gobalada Somaliland qaarkood ay ka cabanayaan, waxa uu sida oo kale sheegay in xisbiyadu  wadadii xisbiyada ay ka baxeen.                                                                                                                             Rayaale ayaa ku taliyay inay xisbiyadu ka laabtaan qabyaalada oo ay xisbinimada dadka ku hoggaamiyaan, waxaan sidan u sheegay tilifishanka Sahan oo waraysi ka qaaday, ugu horayntiina madaxweynahan hore waxa uu ka hadlay tabashada saamiga golaha wakiilada “ Tabashadu maalinba meel ayay maraysaa laakiin waxa la tabanaayo in laga wada hadlo oo la fadhiisto miiska ayay u baahan tahay xalna looga gudbo, wixii maanta la qabanaayo la qabto waxii aan maanta la qabanayna bari loo balamo taas ayay u baahan tahay,”                                                                                                                          Waxa uu ka hadlay sida looga leexday wadadii xisbiyada  “Anagu markaas xisbinimo ayaanu wax ku wadnay laynkii xisbinimada ayaad moodaa in laga baxay oo taasi ay waxyaabo badan keentay, markaas xisbinimada halagu noqdo ayaan leeyahay.”                                                                                                              Ugu danbayntii madaxweynii hore ee Somaliland Rayaale waxa uu ka hadlay qaabka looga bixi karo saraynta qabyaalada ee dalka “ Qabyaaladu waa wax alle dadkan ku talaalay laakiin mid uunbaan odhan lahaa xisbiyada waxaan u samaysanay inaan qabyaalada kaga baxno xisbiyadu mabaadiida ay wax ku raadinayaan kuwo xisbi ha noqdeen mabaadii qabiil yaanay noqon taasbaa mustaqabalka fog lagaga bixi karaa qabyaalada, laakiin shaadh qabyaaladeed haddii loo galiyo xisbiyada markaas sheekadu qabiilka ayay dib ugu noqonaysaa, markaas waxaan odhan lahaa xisbiyadu xisbinimo ha ku hogaamiyaan umadda laakiin yaanay qabiil ku hoggaamin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here