Ganacsto Dalka Turkiga U Tagtay Shir Maalgashi Oo Sheegay Inay Shirkii Ka Dareereen, Markii Ay Dawladda Soomaaliya Shirka Timid

0
694

Turkey(Geeska)-Guddoomiyaha Ruugta Ganacsiga Ee Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa si rasmi ah u sheegay in aanay ka qaybgalin shirkii ay u tageen dalka Turkiga kadib markii uu isku bedalay mid siyaasadeed iyaga oo ku waday mid ganacsi.                                                                                                              Guddoomiyaha ruugta ganacsiga ayaa shaaciyay in shirkaas ay dibada ka joogaan kadib markii ay arkeen in uu mid siyaasadeed yahay wasiiro Somaliya ka socdaana ay qayb ka yihiin, waxaanu isaga oo warbaahinta kula hadlay dalka Turkey-ga uu hadalkiisa ku bilaabay “ Casuumad ayaanu ka helnay haayado ka mid ah kuwa dalkan degan( Turkey) oo qaarna Turki yihiin qaarna ay yihiin Soomaali iyo Turki wax wada leh,casuumadaasna waxa ku saxeexnaa ilaa toddoba haayadood oo kuwa ugu waaweyn Turkiga ah wasaarada ganacisga iyo maayarka magaalada Ankara.”                                                                    Guddoomiyaha Ruugta Ganacsiga Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay “ Waxa naloo soo diray oo martiqaadkana ku saxeexnaa in 43 dal oo Afrikaan ahina ay isugu imanayaan  niman maalgashadayaal ah oo u dhashay dalka Turkigana ay qaban qaabada inta badan ay hawsha leeyihiin arinkaas oo aan u soo diyaar garawnay, anaga oo is leh dhinacyo badan oo ganacsiga khuseeya oo ah shuruudaha maalgashiga oo dalkeena ay waxbadan diyaar ka yihiin, nabadgalyada dalka ka jirta,ganacsiga ka jira, dekeda Berbera oo aad iyo aad iibka Turkiga wax laga soo iibsado aanu u badanahay Geeska Afrika qodobo badan oo aanu is leenahay dad baad ku soo jiidanaysaan ayaanu la soo shirnimi oo aanu ku soo diyaar garownay, halkan markaanu nimina waxaanu ugu nimid shirkii oo waji kale yeeshay, shirkaas waxaanu ugu nimi madax Soomaaliyeed wasiiro, anagana marka hore balankayagu waxa uu ahaa in aanu shirkaasi mid siyaasi ah ahayn, haddii uu shir siyaasi ah yahay anaguna siyaasada cid ayaanu u lahayn oo dawlad ayaa noo qaabilsanayd, waanuna ka wada tashanay wasiirka ganacsiga waana nagu soo bogaadiyay oo nasoo anbabixiyay, haddii ay wasiiro iyo madaxweynayaal imanayaan anaguna kuwayagii ayaanu u yeedhan lahayn oo nagala soo qaybgali lahaa,markii aanu aragnay inuu wajigii ganasiga uu ka badalmay oo uu mid siyaasi ah yeeshay ganacsatada laftigeedana aanu culayskii aanu filaynay ka weynay dawladii kale ee afrikaanka ahaana aanu meesha ka weynay, waxaanu go’aansanay anaga oo wadatashi ka yeelanay oo  sahaminay shirka laftigiisa inuu shirkaasi noqday shir hadaanu nahay ganacsatadii reer Somaliland maqaamkayagii iyo kii dalkayaga midna aan ku waajahnayn, waxaanu go’aansanay inaanu shirkaas dibada ka joogno oo aanan ka qaybgalin, sidaas ayaanu ku joognaa,waxaanu umada reer Somaliland u cadaynaynaa in aanan shirkii ka qaybgalin kana mid ahayn dantii ganacsi ee aanu u soconayna aanay meesha ku jirin, ceeb la’aan ayaanu dibada kaga joognaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here