Madaxweyne Muuse Biixi Oo Magacaabay Wasiir Cusub

0
802

Hargeysa (Geeska)  – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax u magacaabay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland.

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed (Ataash), oo hore u ahaa wasiirka gaadiidka iyo jidadka ayaa jagadan baneeyay, 31, March, kadib markii uu furtay urrur siyaasadeed, isla markaana uu iska casilay xilkii wasiirnimo.
Wareegtada uu Madaxweynuhu ku

Magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa u qornayd sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE: 07 /04/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday; In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office