Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray Baaq Uu Caalamka Ugu Yeedhayo Inay Ka Qayb-qaataan Gurmadka Khasaarihii Suuqa Waaheen & Tirada Ganacsiyada Ku Burburay Oo La Shaaciyey

0
488

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda somaliland, ayaa soo saartay baaq ay ugu Talo-gashay inay Beesha Caalamka, Ganacsatada iyo Qurbe-joogta ugu faahfaahiso inta uu leeg yahay khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Baaqan oo ku qoran Afka Ingiriisiga isla-markaana uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa weyn loogu faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay Dabkii baa’biiyey suuqa Waaheen ee badhtamaha Hargeysa, waxaanu sidoo kale ku baaqay in si deg-deg ah looga hawl-galo sidii loo Taakulayn lahaa dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay.

Baaqa ayaa lagu sheegay in uu dabku burburiyay ilaa 5000 oo ah ganacsiyo iskugu jira, kuwa yar yar, kuwo dhexe iyo kuwo waa wayn, isla-markaana, ay gubashada Waaheen uga sii dartay sicir-bararkii markii horeba bulshadu la daala dhacaysay.

Sidaas darteed, ayaa baaqan uu Madaxweynuhu ku saxeexan yahay wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah gurmad looga galo sidii khasaarihii Masiibadaa wax looga qaban lahaa “Waxaynu u baahan nahay in aynu si wayn uga jawaabno, si aynu wax uga qabano, isla-markaana u badbaadino nolosha kuwa ugu jilicdasan, oo u badan dumar iyo carruur, waa in aynu kaga jawaabnaa naxariis iyo wadajir, deeq-bixiyayaasha, ganacsatada, dowladda Somaliland, qurbajoogta Somaliland iyo beesha caalamka” ayaa lagu yidhi baaqa.

Baaqa ayaa lagu sheegay in gargaarka ay xukuumaddu codsanayso la doonayo in cunto iyo hoy loogu sameeyo dadka aad u jilicsan, in dib loogu hagaajiyo dhismayaasha dhibtu soo gaadhay, in dowladda hoose laga caawiyo in ay samayso 6 goobood oo ku meel gaadh ah oo ay ganacsatadu ganacsigooda ku sii wadan doonaan inta Waaheen dib loo dhisayo.

Baaqa ayaa lagu sheegay in ilaa hadda ay xukuumada Somaliland taageero iyo garab istaag ka heshay waddamada jaarka iyo qaar ka mid ah waddamada beesha caalamka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office