Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Loo Caleema-saarayo Madaxweynaha 5aad Ee Qaranka

22
2958

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaarinayaa hoggaaminta Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda.

Madaxweyne Muuse, oo ku guulaystay doorashadii dalka ka qabsoontay 13 November, waxa uu xilka kala wareegayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo la doortay 2010 balse talada hayay toddoba sannadood. Madaxweyne Muuse Biixi oo uu weheliyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici waxa maanta u bilaabmaya shan sannadood oo ay shacabku doorteen. Madaxweynihii talada ku wareejiyay madaxweyne Siilaanyo sanadkii 2010 Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka qayb galaya isaguna munaasibadda, sidoo kalena madaxweyne-xigeenadii dalka soo maray ayaa iyagana laga martiqaaday munaasibadan.

Waxa kale oo munaasibadda xil wareejinta ka qayb galaya marti badan oo ka kala socota dalalka jaarka ee Itoobiya iyo Djibouti iyo safiiro ka socda dalalka reer galbeedka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland.

Madaxweynaha talada wareejinaya Axmed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu madasha ka jeediyo khudbad, sidoo kalena marka la dhaariyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna wuxuu shacabka u jeedin doonaa khudbadiisii oo aad loo sugayo.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa noqonaya madaxweynihii 5aad ee soo mara Somaliland tan iyo markii ay xorriyadeeda kala soo noqotay dalka Somaliya sannadkii 1991. Madaxweyne Muuse Biixi oo talada qabtay wakhti dalku u baahanyahay hoggaamiye la dagaalama musuqmaasuqa iyo dawlad jileeca, waxa ay shacabku wada sugayaan nooca ay noqon doonto xukuumadda uu soo dhisayo oo la filayo inuu ku dhawaaqao 48-ka saacadood ee soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here