Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Somaliland Oo Ka Hadlay Doorashooyinka & Ololaha Berri Bilaabaya

0
490

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay marxaladda dalku halkay marayso, waxaanu sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay dhacaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Falastiin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa wuu ku bilaabay “Doorashooyinkii baynu hadda ka galaynaa, oo bishan maalinta ugu dambaysa ayeynu galaynaa haddii Rabbi ina gaadhsiiyo, haddana ololihii lixda cisho ahaa ee lagu heshiiyey ayaa la galayaa, markaas Musharixiinta iyo Xisbiyadaba waxaan ku boorinayaa oo aan kula talinay inay galaan olole fiican, oo ay ka reebban yihiin  cadaafad iyo wax la mid ah, waxaana ku rejo weyn nahay inay Doorashooyinkani inoo noqdaan Doorashooyn si fiican inoogu qabsamo, waxaan kale oo aan ku rejo weyn nahay oo aan filayaa inay Doorashooyinkani inoo noqdaan Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay”.

Mar wuu ka hadlayey Nabadgalyada wuxuu yidhi “Amaanka iyo Xasiloonida dalkeena ka jira, ALLE ayeynu ugu shugri naqaynaa, ee mar haddii Doorashooyin aynu galayno, waxaan leeyahay xoogga ha la saaro sidii nabadgalyada loo sii adkayn lahaa, loogana taxadiri lahaa wax walba”.

Mar wuu ka hadaayey xaaladda ay ku jiraan dadka reer Falastiin wuxuu yidhi “ILLAAHAY waxaynu uga baryeynaa cid kasta oo Muslim ah oo dhibaato haysato inuu dhibaatada ka dulqaado, dadka reer Falastiina waxaan ugu ducaynayaa inuu ALLE u gargaaro, ta kale Masaajidkan waa Masaajid barakaysan ee Qudus, oo waxaa iska leh Muslimiinta, waana Masaajidkii ALLE ka dheelmiyey Nabigeena, waana isla Masaajidkii wuu Nabigeenu ambiyada oo dhan ku tukiyey, markaas mar walba inagoo Islaam ah ayaa xaq u leh, cid kale oo xaq u leh ma jirto, dhanka kale dadkeena reer Falastiin duco ayey inaga mudan yihiin, ee aynu u ducayno”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office