“Madaxweyne, Iyada Oo Magacaagii La Isticmaalayo Dhulkii Dhibaato Badan Baa Ka Taagan”

0
566

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siira) ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay ahmiyadda Islaamku siiyey in xumaanta la iska waaniyo isla-markaana wanaagga la is-faro.

Sheekh Aadan waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga warramay sida loogu baahan yahay in la toosiyo Cid kasta oo Masuuliyad Ummadeed haysa, isagoo soo qaatay Axaadiis ka warramaya sida Nebiyullaahi Muxamed CSW loo toosinayey.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Khudbaddani waxay hor-dhac u tahay Khudbad aan Jimcaha Dambe geli doono, taasi oo ah ‘Masiirka Ummadda been ma laga sheegi karaa’..”

Sheekh Aadan-siira wuxuu ka warramay Rasuulkeena Muxamed CSW iyo sida Saaxaabadiisii u toosinaysay iyo weliba sida Amaarul Mmuuminiinka loo toosinayey ama loo saxayey “Abuur uu Ilaahay dhigo (dunida) waxa ugu fadli badnaa Rasuulka CSW, xitaa Malaa’igta isagaa ka fadli badnaa Rasuulku CSW. Waxay eegaynaa sida Rasuulka CSW loo toosinayey isagoo ahaa Abuurkii ugu khayrka badnaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay oo uu soo qaatay Aayado ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah oo Ilaahay ku saxay Rasuulkeena Muxamed iyo Axaadiis badan.

Sheekhu wuxuu sheegay “Xaqu wuxuu bilaabmay iyadoo lala yaaban yahay, waxaana iman doonto iyadoo lala yaabo wanaagga iyo in xaqa la tilmaamo, waxa iman doonta Dulmiga oo la diido oo lala yaabo, waxa wanaagsanaaday (Xilligaa) kuwa Diintooda ku dhega ee xaqa is ag-taaga marka Dadku noocaa noqdaan.’

Qofka xumaan Arkaa Gacantiisa wax ha kaga qabto. Xukuumadda waxyaabaha aynu u igmanay ee Masuuliyadda ay hayaan waxa ka mid ah in xumaanta ay Gacan wax kaga qabtaan.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxaanu intaa ku daray “Xadiiska uu weriyey Al-imaamu Axmed ka ‘Haddaad aragto Dulmi dhacaya oo Ummaddii oo ka hadlaysaa aanay jirin, Ummaddaasi way u dhamaatay.’ Ayuu yidhi Rasuulku CSW.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay dhibaato ka taagan dhul ku yaalla Galbeedka Hargeysa, gaar ahaan Buurta kala Jeexan “Madaxweyne, dhulkii dhibaato badan baa ka taagan iyadoo Magacaaga la isticmaalayo, maxaa ka mid ah, 300 Qoys ee Maatida ah ee labaatanka sanadood degganaa (Buurta Kala jeexan), Madaxweyne Adigana waa kugu ceeb, dalkana waa ku ceeb, Dadkana waa ku ceeb, Arrintaa inaad wax ka qabato ayaanu kugula talinaynaa.”

Sheekh Aadan-Siira wuxuu sheegay in Qof kasta oo Muwaadin uu xaq u leeyahay dhul uu dego “Masuuliyadda Madaxweynaha saaran waxa ka mid ah Qof walba oo Muslim ahi marka uu wax dhisanayo meel uu dego, Qof kasta oo halkan (Somaliland) uu Ilaahay ku abuuray xaq wuxuu u leeyahay meel uu dego, waxaanu ku leeyahay Dawladda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo u duceeyay Dad ka qayb-qaatay Jaamacadda Qur’aanka Kariimka ah oo la yagleelayo “Waxaan halkan uga ducaynayaa Dad badan oo u gurmaday (ka qayb-qaatay) Jaamacadda Qur’aanka, Hargeysa iyo Somaliland oo dhan waxa taagan Kumanaan Ardaydii Qur’aanka Xifdiyey ah, waxa loo dhaqaaqay in Jaamacad loo sameeyo, weliba Dadkiina Xaafaddan deggani (Xawaadle) waxaad nasiib u yeelateen in Hal Nin oo uu bixiyo 4 boqol oo kun oo dollar iyo 8 kun, Ilaahay dambigooda ha dhaafo, dariiqa Jannada Ilaahay ha fududeeyo. Hooyo ayaa markii ay maqashay bixisay 10 kun dollar, Ilaahay dambigeeda ha dhaafo.”