“Madaxweyne Haddii Aad Doorasho Diyaar U Tahay; Waa Inaad Bedeshaa Xubnaha Aad Soo Magacowday”

0
576

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbiga Waddani Cabdi Haybe Maxamed, kana mid ah hogaanka sare ee Xisbigan, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu bedelo xubnaha uu u soo magacaabay Komishanka, madaama uu sheegay in aanu sharcigu ogolayn waxaanu xusay in haddii uu bedelo waayo ay macnaheedu tahay in aanu Madaxweynuhu rabin Doorasho dalka ka dhacda.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu ku taliyey in wax badan laga bedelo, oo wixii tabashooyin ah la dhegaysto waxna laga qabto, waxaanu ugu horeyn yidhi “Komishankan uu wakhtigu ka dhammaaday, inay sii joogaan waanu diidnay, oo waxaanu ku diidnay waa cadaalad daro aanu ka tirsanaynay, waana la isku raacay inay meesha ka tagaan,todobada xubnood ee Komishanku ka kooban yahay waa isku wada mid isku si ayaa looga cabanaayey, markaas inuu Madaxweynuhu yidhaahdo hal xubin baan soo celinaya, wax la yeelayo oo suurtagal ah maaha, ta kale xubno Wasiiro soo noqday oo Siyaasiyiin ah oo waliba Xisbiga Kulmiye olole u galay iyana inay Komishan noqdaan oo Xisbiyada dhex u noqdaan suurtagal maaha, ee Madaxweyne haddii aad doorasho diyaar u tahay waa inaad bedeshaa xubnaha aad soo magacwaday, haddii aad ku adkaysatana macnaheedu waa Doorasho diyaar uma ihi”.

Mar uu ka hadlaayey wax ka qabashada tabashooyinka iyo cabashooyinka jira ee u baahan in la xaliyo ayaa yidhi “Looma baahna jaafajiriq, muran, khilaaf iyo is adkayn, is adkayntana waxba kuma yimaadan, ee waxaa loo baahan yahay in cabasho walba oo jirta, tabasho walba oo jirta iyo wax walba oo soo kordha in wax laga qabto, Gobolaadii Bariga iyo Galbeediiba weynu aragnaa, oo meel kasta waa laga cabadayaa, haddana saluug badan baa jira, wax ilaa hadda laga qabtayna ma jiro, markaas wax kasta oo jira Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu ha isku dayaan inay xaliyaan, oo ay wax ka qabtaan, ta kale in sinaan iyo cadaalad umadda loogu adeego ayaa loo baahan yahay, in loo kala hiiliyo looma baahna, ta kale Wasaaradda Beeraha waxaan leeyahay waxaa haboon inay sida ugu haboon ula socoto xaaladaha Beeraha ee dalka, sababtoo ah muddo shan bilood ah beerihii laga qodaayey Gumar iyo deegaanada Hawd ilaa hadda dadkii lama siinin lacagtoodii, shidaal iyo kharashna wuu baxayey, Hay’adda FAO ayaana u xilsaarnayd, markaas Hay’adda FAO waxaan leeyahay dadkaas waa inaad lacagtoodii u diyaarisaan oo aad siisaan, haddii kale wax walba wey istaagayaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here