Madaxweyne Gudida Culimadu Sadex Waa midke?:- Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
816

Picture2Mahad Alle SWT ka dib, waxa aan Mudane Madaxweyne kugu hambalyeynaya unkida gudi dasturi ahayd oo segtay inti kursiga kaga horaysay, sida aan aaminsanahay hadi lo maro wadada haboon inay noqon karaan gudi wax badan umada u qabata, adigana taariikhda ku gasha inaad tahay asasahoogi.

Mudane Madaxweyne qoraalkaygan kobani wuxu daran yahay su’aalo aan ku waydinayo, talo aan kuso jeedinayo iyo dignino aan ku  leyahay inta ka fejignow si aanay hadhow u dambarsan gudidan aad hada unkayso. Mudane madaxweyne waxa iga su’aal ah, gudidan culimada ahi sadex waa midke? Ma qodob dasturi ah ayaad gudanaysa oo aad isledahay waa baahi lo qabay, si culimo dadka wax tara u yimadan hawlo badana umada u faa’iideya, adigana dhaxal guntama ku noqota. Ma olole ayaad ku galaysa si aad u tidha qodob dasturi ah ayaan qabtay oo hortay la qaban sidaan u qabtayba daraja bixinti ciidamada. Ma sir aan la dhaadanayn ayaa ku duugan asaaska unugan. Mudane Madaxweyne sadexna waa iga talo waxan talo ahaan kugu so jeedinaya in aad u cuskato asaaska gudidan culimada heer qaran ee dasturiga ah:- In aad u saarto gudi madax banaan, dhexna ka noqon kara arintan, aqoon dheerna u leh qofka la donaya cidu yahay, si adigana sharaf kugu noqoto umadana cid anfacda uguso baxdo. In aad keento culimo aqoon leh, dadku ku wada kalson yahay, weedhoda la qaadanayo, ahna rag dadka diinta baray rag kaso aflaxayna la ogyahay, ragi saxwada qaybteeda durusta kuso jirayna ah, faniyada diintana meel loogu tiiriyo. In anaad ka tagin jamacoyinka iyo xarakoyinka wadanka ka jira, inta aad beel u qaybinayso waxa ka haboon culimadu jamacaad ayey leyihine inaad taa ixtiraamto, si hadhow culimo isku dhaf ah, cid waliba iska dhex arki karto, fatwadooduna noqon karto mid wax ku ool ah uso baxaan, tasana mudane adiga intifaacsi kugu filan. Mudane Madaxweyne sidan sadex ku su’aalay sadexna kugula taliyey ayaan sadexna kaga digaya, intaan isleyahay caqabad ma dhalays ka dhigta gudida ayaan kaga digaya mudane, waxanay yihiin:-

Culimada jagadan kaso bixi karta maaha inta warbaahinta laga yaqaan, se waa culimo dhawrsan oo is dhawra sidi ay ahaan jiren culimo, ee madaxweyne godkoga ugu gal culimada kuwasa aqoonti jagadan lehe. Culimo unug kali ahi yanay fara maroorsan gudida, hadi kale hamigaagu noqon mayo mid waara.

Yanay noqon culimadani kuwo loo adeegsado dano khaaseed.

Mudane Madaxweyne inta badan wadamada islaamka gudida culimo ee ka jira ma noqdaan qaar sidi la donayey u shaqeya umadana ugu adeega, se waxay noqdan rag ay ku adeegtan inta mamulka joogta, marka laga tago wadamo teel teel ah oo iyaga laftoduna aan khaladaad laga waayin, mudane hadi aad donayso inay noqdaan qaar si xaq ah u shaqeya, shaqadooda haw madax bananadaan, cid ka socotana yanay isteerinka u qaban, adigana taasa sharaf aan dugobin ku noqon donta.