“Madaxweyne, Gobalka Sanaag Intaad Tagto Dhibaatooyinka Jira Soo Dhammee”

0
698

Xildhibaan Nacnac

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi, ugu baaqay inuu wax ka qabato xaalada Gobolka Sanaag, isla markaana uu socdaal ku tago, waxaanu si gaar ah fariin ugu diray labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyn.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xaalada ka taagan Gobolka Sanaag maaha in la yaraysto, ee waxay u baahan tahay in wax laga qabto, inta aanay faraha ka bixin, Madaxweynahana waxaan leeyahay dalka adigaa ka madaxweyne ah ee gobolka sanaag tag, oo dhibaatooyinka  halkaas ka jira soo af jar,labada Beelood ee wada dega Ceel-afweyna, waxaan leeyahay heshiiskii dhexdiina ilaaliya, oo haddii marar hore shaydaanku idinka faa’iidaystay, mar kale yaanu idinka faa’iidaysan, ee fidno dambe oo dhexdiina ka dhex dhacda iyo dhiig dambe oo aad kala daadisaan yaanay dib u dhicin, dagaalna wiil baa ki dhinta ee wiil kuma dhasho”.

Mar uu ka hadlaayey nabada ayaa yidhi  “Nabadu waa taas la wada hadhsanayo, ee haddii nabadgalyo daro dhacdo, wax inoo hagaagaya ma jiraan, ee nabada ha la lilaaliyo, oo Shacabku ha isku duubnado”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here