Madaxweyne Geele Oo Sharaxaya Sababaha Quwadaha Dunidu Djibouti Uga Dhigteen Saldhigyo Milatari

0
518

Djibouti(Geeska)-Madaxweynaha dalka Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sharaxay sababaha dalkiisa u fududeeyay inuu hoy u noqdo saldhigyo milatari oo ay leeyihiin quwado shisheeye.

Madaxweyne Geele, oo la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa saldhigyada milatari ee dalkiisa iyo sida ay uga qaataan degenaanshaha mandaqada wuxuu yidhi “Waa run in dalkayagu hoy u yahay saldhigyo milatari oo badan oo ay leeyihiin quwado shisheeye, waxaanay ku doorteen dhawr qodob. Ta; u horaysa Djibouti waxay ku dhowdahay dhawr deegaan oo ay adduunyadu u aqoonsantahay meelo khatar ah oo laga xusi karo Soomaaliya iyo Yemen. Waxa sidoo kale aanu saaranahay mid ka mid ah marin biyoodyada ugu mashquulka ugu badan dunida. Ammaanka Baabal-mandab iyo baahida loo qabo in lala dagaalamo argagixisada ayaa ah sababta ay dalalkan shisheeye saldhigyadooda uga samaysteen Djibouti. Laakiin dalkayagu dalalkan iskama siiyo saldhigyada si saaxiibtinimo leh. Waxaanu si buuxda ugu lug leenahay dedaalada ka dhanka ah argagixisada iyo budhcd badeed gacanka cadmeed.”

Madaxweyne Geele oo la weydiiyay doorka ay dalkiisa iyo Itoobiya ku leeyihiin nabad ku soo dabaalista Soomaaliya, wuxuu yidhi “Waan ku faraxsanahay doorka degenaansho ee labadayadan dal ku leeyihiin Soomaaliya. Labadayada dal [Itoobiya iyo Djibouti] waxay gacan ku leeyihiin sidii loo nabadayn lahaa dalkan dunida ka tirsan. Waxay si wada jir ah uga shaqeeyaan arrimaha milatari ee Soomaaliya, iyagoo ku wada jira xayndaabka AMISOM. Waxay sidoo kale ku wada jiraan ciidamada dalalka bariga Afrika ee ISAF oo awood u leh inuu farogeliyo khataro colaadeed oo jiidan ah. Ka hortagga colaadaha iyo dedaalada lagu suulinayo si loo helo degenaansho siyaasadeed ayaa muhiim u ah labadadayadan dal. Degenaansho la’aan ma jirayso is dhex gal dhaqaale iyo horumar.”