Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geele ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu markii afraad isu soo sharaxo xilka madaxweyne doorashooyinka wadankaas ka dhici doona April 2016.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, wuxuu si rasmi ah u sheegay inuu aqbalay soo jeedino ay baaq ugu direen dadweyne horaantii bishii hore ee November isugu soo baxay caasimadda Djibouti kuwaas oo ka dalbanayay inuu isa soo sharaxo mar kale, “Bishii November 1 iyo toddobaadkii ku xigayba waxa dalkeena ka dhacay wax curad ah oo ahayd dadweyne isu soo baxay oo aanay jirin cid dirtay iyo xisbi u yeedhay oo iyagu is xilqaamay oo jeclaystay inay rabitaankooda sheegaan. Arrintaasi tacajab ayay gelisay adduunka iyo dalkeenaba, waxaanay xambaarsanayd farriin aniga igu wajahan oo la iigu sheegayo rabitaan.” ayuu yidhi Madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay “Markii aan xaaladda dalkeena u kuur galay ee aan qiyaasay rabitaanka shacabka, jaleecay xaaladda dalka iyo ta’ gobalka waxaan go’aansaday in aan talada aan Alle isku xidhno rabitaanka dadweynahana inaan mar kale yeelo hoggaanka dalka sidii aan u qaban lahaa oo aan hawaha u sii wadi lahaa.”
Madaxweyne Geele, oo iska hadlaya lana hadlaya dadweynaha dalkiisa, wuxuu yidhi “Nin aad baranaysaan ma ihi, nin suldad ama madaxtinimo jecel inaanan ahayna waad garanaysaan, waxaan jecelahay oo keliya sidii aan horeba u sheegay inaan naftayda u hibeeyo dalkayga, inaan wax kastaba ha igu seegaane aan haddana idhaahdo waan idiin hawgalayaa oo idiin adeegayaa, dalkeenan u adeegayaa, sidii aan intaas sannadood ugu soo shaqeeyay, waxaanan isleeyahay dalka waxaad gaadhsiisay meel wanaagsan, waxaanan isleeyahay daacad iyo hagar li’I ayaad dalka ugu soo shaqaysay oo horumar ayaad gaadhsiisay.”
Ugu dambayn wuxuu dadweynaha ugu baaqay inay maalinta doorashada loo dareero u quus gooyaan dad uu ku tilmaamay cadowga dalkiisa Djibouti, “Waxay taasi keenaysaa inay quustaan kuwa dalkeenu inuu fadhiid ahaado doonaya ee jecel inaan dadka ugu dambayno, kuwa sumcadeena iyo wanaageenu uu dhibayo iyo kuwa u adeegaya natiijo ay ku quustaan inay halkaas ka soo baxdo hawshiina weeyaan, inshaalah waxaan yaqiinsananahy inaan guulaysanayno.”