Madaxweyne Faroole Oo Siyaasadda Muqdisho Kaga Adkaaday Dr. Cali Khaliif Iyo Magacyada Xubnaha Uu Dhulbahante Ka Helay Baarlamanka

0
614

puntMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa siyaasadda dalka Somaliya ee ka socota magaalada Muqdisho kaga adkaaday Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo kooxda siyaasadeed uu horkacyo ee Khaatumo, ka dib markii uu ku guulaystay inuu  magacaabo saddex xubnood oo ka tirsan siddeeda xubnod ee Beesha Dhulbahante u galaya Baarlamaanka dalka Somaliya.

 

 

Mr. Faroole, oo muddooyinkii u dambeeyay ku jiray dedaal uu ku doonayo inuu magacaabo xildhibaanada Dhulbahanate ee ka qayb galaya Baarlamaanka dalka Somaliya, ayaa ugu dambayn ku guulaystay inuu magacaabo qayb ka mid ah ka dib heshiiskii dhawaan magaalada Nayrobi ku dhex maray saxeexayaasha waxa loo yaqaan tubta khariidada (Roadmap), kaas oo ay iyaguna dagaal siyaasadeed ka galeen Dr. Cali Khaliif, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo rag kale, waxaana shalay furitaankii Baarlamaanka Somaliya ka xaadiray saddexda xubnood ee uu magacaabay Madaxweyne Faroole ee ka soo jeeda Beesha Dhulbahanate, kuwaas oo kala ah:

Saado Cali Warsame

Cabdilaahi Xasan Dhooble

Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf

Shanta kale ee ay Garaadada Beesha Dhulbahanate ee Muqdisho ku sugani magacaabeen ayaa kala ah:

Dr. Cali Khaliif Galaydh

Cabdi Maxamed Cali

Cabdiwaaxid Cabdillaahi Jaamac

Cabdi Cabdillaahi Maxamed

Siyaad Maxamuud Shire

Madaxweyne Faroole, ayaa u muuqda inuu Dr. Cali Khaliif oo kaga horeeyay siyaasadda Somaliya dhabaha ku riday, ka dib markii uu kaga awood batay dhinaca taageerada dawladda Federaalka Somaliya iyo weliba xubnaha Beesha Caalamka uga wakiilka ah arrimaha Somaliya, waxaanay shalay u ahayd Madaxweyne Faroole maalin farxadeed, halka ay Dr. Cali Khaliif u ahayd maalin murugo, waxaanu hadda Madaxweynaha Puntland galayaa wejiga labaad ee ololaha siyaasadeed ee dalka Somaliya oo ah doorashada Madaxweynaha Somaliya oo uu taageerayo raysalwasaarihii hore Cabdiweli Maxamed Gaas oo ay isku hayb yihiin.