Madaxweyne, Dhibta Dhaqaale Ee 1aad Ee Ina Haysataa Waa Qiima Dhaca Shilinka Somaliland, Ee Maaha Sicir-Barar

43
3651

W/Q Yaasiin Yuusuf

Dhammaan mahadi waxay u sugnaatay Allah, naxariis iyo nabadgelyana dushiisa ha ahaato nebigeenii Muxammed.

Madaxweyne, waxaad ka soo saarteen shirkiinii wadatashiga wasiiradda qodobo dhowr ah oo ay ku jirto in la sameeyo guddi farsamo oo Sicir-bararka howshiisa gasha.

Madaxweyne, Waxaa inta badan laysku khaldaa labadan.

Sicir-bararka

Qiimo dhaca lacagta Shilinka Somaliland  ku socda.

Madaxweyne, Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “Oodda dhacmeed sida aya u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa”. Dhibta Sicir-bararku wuu jiraa waana inna daan-weyne, marnaba tegi maayo, ee sidii loo yareynlahaa ayaa la qabtaa, ee waxaase ka weyn oo dhaqaalaheena haysta waa “Qiima dhaca Shilinka Somaliland ku socda ”,

Madaxweyne, waxaana inoo keenay laba arimood oo midi ay dowladu ka masuul tahay, unna baahan in si deg deg ah wax looga qabto iyo mid kale oo danni ku baday ah oo faa’iidadeeda iyo khasaaraheeda dhaqaalayahanku ku murmaan oo barkan arinkale.

Shilinkii Somaliland ee yaalay iyo kii dowladu soo daabacato oo bilaa dhigaal ah.

Somaliland oo laga wada isticmaalo lacagta adag ee Doolarka iyo Shilinka  oo qiimaha sarifkiisu aanu fadhiyin (floating rate ah). Tani waxay keentay in Shilinkii isticmaalkiisii yaraado.

Madaxweyne, xalinta “ Qiima dhaca Shilinka Somaliland ku socda ” way fududahay haddii aynu raacno sida ay tahay in loo raaco.

Maxadweyne, Qiimo dhaca Shilinka Somaliland waxaa lagaga saari karaa laba arimood oo kale ah sidan.

Fiscal Policy

Monetary Policy

Fiscal Policy

Siyaasadan waxaa fulisa wasaaradda Maaliyadda.

Cashuurta Doolar lagu uruuriyo aad iyo aad ayey u badan tahay, taasna waxay abuurtay in mar walba la raadiyo Doolar. Markaa waxaan soo jeedin lahaa sidan;

In Cashuurta dhammaanteed lagu qaado Shilinka Somaliland oo la yareeyo inta la yareyn karo inta lagu qaado Doolar.

Waa in sida hadda jirta wax laga badalo, oo Doolar soo gala dowlada ay ku wareejiso Bangiga dhexe oo wasaaradaha iyo hayadaha madaxbanaan ee dowladu ayna sameynsan xisaabo Doolar ah.

Monetary Policy

Siyaasada waa fuliya Bangiga dhexe, waxaana jira laba siyaabood oo lacagta wadan lagu maamulo, qiimaha sarifkiisu waana sidan;

Floating Rate (Qiimaha sarifka oo aan fadhiyin)

Fixed Rate (Qiimaha sarifka oo fadhiya)

Floating Rate (Qiimaha sarifka oo aan fadhiyin)

Somaliland waxaa laga isticmaalaa floating rate oo ah  in aan la jaangoyn qiimaha sarifka oo loo daayo suuqa, bangiga dhexena aanu faro gelin. Siyaasaddan waxaa isticmaala wadamada dhaqaalahoodu hore u maray ee dunida koowaad ah. Ma jiro wadan soo koraaya oo isticmaala tan.

Tani, waxay keentay in sariflaayaashu sida ay doonnaan u maamulaan sarifka lacagta, oo iyada laftigeedii noqotay alaab laga baayacmushareeyo markii ay yaraatay isticmaalka Shilinka Somaliland.

Fixed Rate (Qiimaha sarifka oo fadhiya)

Si lacagta wadanka looga dhigo mid fixed rate ah, waxaa waajiba in loo sameeyo dhigaal ku dhow xaddiga lacagta wadanka taal iyo ta lasoo daabacaayo.

Madaxweyne, masuuliyadda koowaadna adiga Madaxweyne ahaan ayey ku saarantahay oo meelmarinta xalkaa adiga ayaa lagaaga fadhiyaa.

Waa bilaahi towfiiq.

Yaasiin Yuusuf.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here