Madaxweyne Biixi Oo Siyaasiga Mu’adinka U Magacaabay Kursi Xukuumadiisa Ku Cusub

53
4357

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adin) wuxuu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ah xafiis cusub oo uu Madaxweynuhu hadda yagleelay.

Wareegtada Madaxweyne Biixi ayaa u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Dersay:             Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;

Markaan Arkay:               Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:           La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta [shalay] uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here