Madaxweyne Biixi Oo Sheegay  In Kiiskii Maxkamada Ee Abwaan  Cabdiraxmaan Abees Lagaga Adkaaday

0
1228

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in kiiskii maxkamada ee ay ku soo oogeen Abwaan Cabdiraxmaan Abees lagaga adkaaday kadib markii maxkamadu ay danbi u aqoonsan wayday gabaygii uu tiriyay.

Waxa uu madaxweyne Biixi sheegay in su’aalo lagu waydiiyay shirka golaha dhexe ee Kulmiye aad loogu canaantay in aanay mucaaradka iyo xoriyatul qawlkaba xukuumadu u lahayn wax dulqaad ah, waxaanu madaxweynuu sheegay inay dulqaadan doonaan hada kadib.

Madaxweyne Biixi ayaa arimahan kaga hadlay gabogabada shirkii golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, waxaana suaalaha madaxweynaha la waydiiyay iyada oo warbaahintu ay dibad joog ka tahay. Madaxweynaha oo arimahan ka hadlaayay waxa uu yidhi“Canaantii ugu kululayd ee ay noo soo jeediyaan odayaashu waxay ahayd, waxaynu nahay xisbigii xukuumiga ahaa oo xukuumadii ayaynu nahay dadka haloo dulqaato mucaaradka iyo dadka fikradahooda cabira, haloo dul qaato saxaafada, hadaad xisbiga tihiin iyo dadweynahaba waxa aad nala dhacdaan laba dhangadood oo marba aad mid nagu dhufataan,dadka ilaaliya, xoriyatul qawlka ha cabudhinina, mucaaradka ah la hadlina, hadana waxa taala nabadgalyada ilaaliya waxii xun dadka ka qabta oo hadii mucaaradkii ama abwaankii ama saxafigii uu qaldamo maxaan yeelaynaa ileen labadiiba waad na garaacaysaane.”

Waa uu sii watay madaxweyne Biixi hadalkiisa “Waxaan aad iyo aad   ugu faraxsanahay in garsoorka Somaliland ay sii daayeen wiil yar oo dhalinyaro ah oo gabay tiriyay  oo xukuumada maagay, inay yidhaahdeen idinka uunbaa baqdaye inaanku wax weyn muu gaysan waa xor, waanu qaadanaynaa garsoorka waanu aaminaynaa, hadii isaga la xukumi lahaa waxa uu odhan lahaa anbiilbaan qaadanayaa waxaanu leenahay anagu waanu ku kalsoonahay, qofka ma xidhno hadii dadka xeerka ilaaliyaa ay arkaan in uu qaldamay waa la qabtaa waa eedaysane maxkamadaa noo kala xaqsooraysa, laakiin canaanta badan ee yaan cidna la’la hadlin hadhowna waxa taala dalku waa fowdo maxaad u qaban wayday, waxaanu ku dadaalaynaa dulqaadka waxaanu qaadanaynaa sida aad na farteen dadweynaana waxaanu ku waaninaynaa in la ilaaliyo shuruucda oo dadka shuruucda inoo ilaaliya ee boolisku ka midka yahay canaanta aan qaban laga daayo,hadh iyo habeen iyo dhaxanba waxay u taagan yihiin inay nabadgalyadeena ilaaliyaan inay sharciga ilaaliyaan, iyagu dadka ma xukumaan, way qabtaan way eedeeyaan  maxkamada ayaa xaq u leh, maxkamadana in la sugaabaynu aad iyo aad ugu baahanahay qofka in la sii daayo oo cidi u cararto waxa ka fiican in uu maxkamada calafkiisa ka qaado, sidaas ayaa isaga u sharaf badan dadkana u sharaf badan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here