Madaxweyne Biixi Oo Rejeeyay In Xidhiidhka Jabuuti Iyo Somaliland Midho-dhalo, Maaddaama Oo Mar Kale La Doortay Ismaaciil Cumar Geelle

0
578

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay Madaxweynaha dalkaasi.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey Dhambaalka Hambalyada ah oo Xalay ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi oo ku hadlaya Magaca Shacabka iyo ka Dawladda Somaliland uu Hambalyo u dirayo Shacabka Jabuuti ee dib u soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, doorashadaasi oo si Nabadgalyo ah u qabsoontay.

Dhambaalka Hambalyada ah ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Iyo Shacbigiisa, Guushii Ay Ka Soo Hooyeen Doorashadii Madaxtinimada Ee Dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda Somaliland iyo ka shacbi weynaha, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga iyo dawladda Jabuuti, guushii ay ka gaadheen doorashadii sida nabadgelyada ahayd uga qabsoontay dalkaasi jimcihii oo ay taariikhdu ahayd 09-04-2021, isagoo si gaara hambalyadaasi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale loo doortay hoggaaminta madaxtinimo ee dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka ay Jabuuti ku tallaabsatay mudadii uu hoggaaminayay. labada dal iyo labada shacbi ee Somaliland iyo Jabuuti oo xidhiidh qoto dheeri oo soo jireen ahi ka dhaxeeyo, waxa uu madaxweynuhu u rejaynayaa inuu noqdo xidhiidh midho-dhal ah oo sii xoogaysta.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu mar labaad ugu hambalyeynayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti guusha taariikhiga ah ee uu ka soo hooyay doorashadii dalkaasi ka qabsoontay, isagoo u rajeeyey Madaxweynaha, dawladda iyo Shacabka reer Jabuuti in ay ku waaran barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar.”

Geeska.net/Hargeisa Office