Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan magacaabay golaha sare ee Baanka JSL.
Ma jiro war rasmi ah oo lagu baahiyay wareegtada Madaxweyne Biixi, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi oo tixraacaya xeerka Baanka uu magacaabay 8 xubnood oo ka mid noqon doona golaha sare ee Baanka, waxaana xubnahan si toos ah uga mid noqon doona saddexda xubnood ee fulinta Baanka oo kala ah guddoomiyaha, guddoomiye-xigeenka iyo agaasimaha guud ee Baanka.
Sida ay wararkan xogogaalka ahi u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, 8-da xubnood ee uu Madaxweyne Biixi u magacaabay golaha sare ee Baanka JSL, oo badankoodu dalka dibadiisa kala jooga ayaa kala ah
- Axmd Cali Qaasaali
- Maxamed Sheekh Xasan Taani
- Maxamed Cabdi Ibraahim
- Cismaan Sheekh Axmed
- Cali Axmed Cismaan
- Maxamuud Cawil Ibrahaim
- Xuseen Cabdillahi Jaamac
- Mustafe Cali Jaamac
Xeerka Baanka ayaa qoraya in xubnaha golaha sare ee Baanka JSL ay tiradoodu noqon doonto ugu badnan 8 xubnood. Xubnahan uu magacaabay waxa ku jira guddoomiyihii hore ee Baanka JSL Maxamed Cabdi Ibraahim iyo la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.