Madaxweyne Biixi Oo Maanta Safar Ugu Baxaya Dalka Itoobiya, Kadib Martiqaad Ay Addis Ababa U Soo Dirtay

27
3338

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maanta safar ugu ambabaxo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu maanta ku tagayo Addis Ababa martiqaad rasmi ah oo ay dawladda Itoobiya u soo dirtay markii loo dhaariyay talada Somaliland.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu Addis Ababa ku maqnaan doono saddex maalmood oo maanta ka bilaabma, waxaanu la kulmi doonaa raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay ka wada hadli doonaan danaha dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Somaliland iyo Itoobiya wax aka dhexeeya xidhiidh iyo iskaashi dhinacyo badan oo khuseeya ammaanka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimo kale.

Weftiga Madaxweyne Biixi, waxa ka mid noqon doona wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo maalmahan u dambeeyay ku maqnaa dalka Ingiriiska.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad ee uu Madaxweyne Biixi ugu baxo dalka dibadiisa, waxaanu dhawaan ka soo laabtay dalka Djibouti oo uu safarkiisii koowaad ku tagay, maantana wuxuu u baxayaa safarkiisii labaad oo uu ku tagayo magaalada Addis Ababa ee Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here