Madaxweyne Biixi Oo Maanta Magacaabay Masuul Cusub

0
688

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Magacaabay Badhasaab  ku-xigeenka Gobolka Sanaag, jagadaasi oo in muddo ah banaanayd.

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland, taasi oo u qornayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

MarkaanArkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland