Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Soo Magacaabo Xoghayaha Guud Ee Kulmiye Iyo Inuu Shaandhayn Ballaadhan Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirrada

0
1718

Madaxweyne Biixi, Golihiisa Wasiirrada ma ku soo kordhin doonaa siyaasiyiin Miisaan Leh ?

Hargeysa (Geeska) ā€“ Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu soo Magacaabo Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye, ka dib markii Shirweynaha Xisbiga Kulmiye uu wax ka beddel ku sameeyay Xeerkii Xisbiga ee khuseeyay Xulashada Xoghayaha guud.

Xoghayaha guud oo markii hore tartan loo geli jiray ayaa hadda waxa soo Magacaabaya Guddoomiyaha Xisbiga oo ah Madaxweynaha.

Lama oga in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu dib u soo Magacaabi doono Xoghayihii guud ee hore Mudane Xasan Siciid Yuusuf oo 9-kii sanadood ee u dambeeyay ahaa Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo inuu soo xulan doono siyaasi kale oo noqon doona Xoghayaha guud.

Warar kale oo soo baxaya ayaa iyaguna waxay sheegayaan in Madaxweyne Biixi uu wax ka beddel iyo isku shaandhayn ku samayn doono Golihiisa Wasiirrada, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu sugayey qabsoomidda shirweynaha Xisbiga Kulmiye, kaasi oo Salaasadii la soo la soo gebogabeeyay.

Wararka Wargeyska Geeska Afrika helay waxay intaa ku darayaan, in Madaxweyne Biixi samayn doono isku shaandhayntii ugu ballaadhnayd muddadii uu xilka hayey.

Madaxweyne Biixi oo siyaasiyiinta Mucaaradku ku dhaliilaan in Golihiisa Wasiirradu u badan yihiin kuwo aan Miisaan siyaasiya lahayn, ayaa sidoo kale la filayaa inuu kordhiyo Tirada Golaha Wasiirrada oo hore u ahaa 32 Wasiir iyo Wasiir ku-xigeeno.

 

Geeska.net/Hargeisa Office