Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Sida Uu Doonayo Inay U Dhacdo Doorashada Shir-guddoonka Baarlamaanka Iyo Maayarrada Oo Mucaaradku Loolan Culus Ugu Jiraan

0
618

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay kulan mahadnaq ah la qaatay Toddobada xubnood ee guddida Doorashooyinka qaranka oo dalka ka hirgeliyey doorasho hufan oo si weyn kor ugu qaadday sumcadda iyo Dimuqraaddiyadda dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ugu horrayn xubnaha Komishanka doorashooyinka ugaga mahadnaqay doorashadii milgaha lahayd ee ay dalka ka hirgeliyeen, xilkasnimadii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen, waxaana uu yidhi,“Anigoo ku hadlaya Afka qaranka, waxan idiinku yeedhay in dhammaan umadda reer Somaliland ay idiinka mahadnaqayso sidii wanaagsanayd ee aad doorashada u maamusheen, waxaanu idiinka mahadnaqaynaa dhibaatadii, soo jeedkii, culayskii aad u dhabar-adaygteen iyo garsoorkii aad samayseen iyo dadkii baratamayey kii soo baxay iyo kii aan tiradiisu intii lagu soo baxayey gaadhinba ay raallida ka ahaayeen iyo sidaad u shaqayseen, idinkana qarankiinnu waa abaal iyo mudnaan uu idiin ogyahay, waxaana muujiseen xilkasnimo, Aaminaad iyo hawlkarnimo.”

Hay’adaha kale ee kaalinta masuuliyadda leh ka ciyaaray doorashooyinkii dhawaan qabsoomay ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, ayuu madaxweynuhu si weyn u ammaanay, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay warbaahinta qaranka iyo midda madaxa bannaanba, “Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa intii ka qaybqaadatay si toos ah iyo si dadbanba, oo ay kow ka tahay xukuumadda qaybta qaabilsan amniga iyo qaybta qaabilsan dhaqaalaha, labadaas hay’adoodna waxay xoog dedaal u geliyeen inay doorashadaasi hirgasho. Waxa la mid ahaa wasaaradda wacyigelinta qaabilsan iyo warbaahinta madaxa bannaan ee qaranka oo u shaqeeyey si waddaninnimo ah, iyo weliba muwaadiniintii baraha bulshada isticmaalayey oo ka midaysnaa qabsoomidda doorasho ku dhacda nabadgelyo” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay shaqaalihii iyo hawlwadeennadii ka shaqeeyey doorashooyinkii qabsoomay, isaga oo caddeeyey inay si qiime leh uga soo baxeen masuuliyaddii la saaray ee heer qaran ahayd, muhiimaddeedana lahayd, isaga oo sidoo kale axsaabta qaranka, gaar ahaan kuwa mucaaradka ahna ku bogaadiyey kaalintooda.

Shacabka reer Somaliland, ayuu madaxweynuhu ugaga mahadnaqay sida nabadgelyada leh ee ay doorashada uga qaybqaateen, isaga oo sidoo kalena Beesha caalamka iyo cidkasta oo doorashadaas si uun gacan uga geysatayna bogaadiyey.

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka u diray farriin ku saabsan doorashooyinka shir-guddoonka golaha wakiillada, Maayarrada iyo ku-xigeennada degmooyinka dalka, waxana uu ugu bushaareeyey inay ka go’an tahay madaxweyne ahaan in dhammaan hawlahaasi si milgo leh oo bilaa cunfi ah kusoo dhammaan doonaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shacabka waxaan ugu bushaaraynayaa sidaan ku talo-galay doorashooyinka hadhay ee maayarrada, ku-xigeennadooda iyo xubnaha loo dooran doono shir-guddoonka wakiilladdu inay Ilaahay idamkii ku dhammaan doonaan nabaddaas nabaddeeda iyo sharaftaas iyo walaal qaado iyo adigu qaado, taasaanan ka shaqaynayaa inaynu helno, xisbiyadana taasaan u soo jeedinayaa.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office