Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Baasaaboorka Somaliland Iyo Ku Tagi-taanka Dalka Imaaraadka Carabta

24
3588

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu madaxda Imaaraadka Carabta hordhigay dalab ah inay aqoonsadaan Baasaaboorka Somaliland si ay muwaadiniinta Somaliland dalkaas UAE ugu tagaan danahooda iyagoo adeegsanaya baasaaboorka Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo habeen hore khudbad u jeediyay jaaliyadda Somaliland ee dalka UAE ku sugan wuxuu sheegay inuu madaxda Imaaraadka Carabta u gudbiyay dalabkaas islamarkaana uu ka rajaynayo jawaab farxad leh.  Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu jaaliyadda uga waramay arrimo kale oo uu kala hadlay dawladda Imaaraadka Carabta.

Baasaaboorka

Arrinta Basaaboorka ayaa muddooyinkan dambe ahayd mawduuc ay shacabka Somaliland aad u hadal hayeen in Imaaraadka Carabtu ogolaaday Baasaaboorka Somaliland. Madaxweyne Biixi oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yihi  “Waxa aanu hor dhignay Somaliland heshiisyo ganacsi iyo mid saldhig militeri baad la gashay, laakiin dadka reer Somaliland ee aad la gashay meel ay joogaanba waa maxaabiis, hadduu Abu-dhabi joogo waa maxbuus oo waxa ka dhacaysa ciqaamaddii oo meel uu u dhaqaaqo ma leh oo dalkanna ma socon karo kiisiina ma iman karo, haddii uu Soomaaliya joogona Baasaboorkii naga dhexeeyey waanu collownay oo waxba kuma falno, markaa dadka dhibaatadaas qaba haddaad gacan ka doonayso adigu bilow oo Baasaboorkooda aqoonso. Taas wuu la maqan yahay, waxaana uu ula tegayaa madaxdiisa, rajo weynna waanu ka qabnaa inay suurto gasho, dareenka aanu ka qabnana insha Allaah dhawaan Jawaab aynu ku faraxno ayeynu ka heli” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu itnaas raaciyay “Waxaanu ka wada-hadalnay oo aan ku idhi Somaliland muddo 28-sano ah ayey dawlad ahayd, shan madaxweyne oo saddex kamid ahi doorasho isku beddeshay oo aan ka dhicin geeska Afrika iyo Bariga dhexe midna, iyada oo aan la ictiraafsanayn ayey dalkeena xuduudiisa oo dhan doorasho ka gashay oo ay khilaafkeeda xallisatay, laakiin adduunku taas ma tixgeline waxa la ictiraafay oo nalooga eexday nin aqal lagu xareeyey oo ciidan ajaanib ahi waardinayaan oo aan kalsooni dad wadin oo aan dalkiisa xukumin oo waliba la leeyahay isagaa kuu taliyee dhegaysta.”

Xanaftii doorashada

Wuxuu Madaxweyne Biixi sheegay in shacabka Somaliland ka bogsadeen xanaftii ay reebtay doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 13 November oo si adag loogu tartamay taas oo uu isagu ku guulaystay, waxaanu yidhi “Dadku xanaftii doorashada wuu kasoo baxay oo wuu kasoo doogsaday, shacabkiina wuu midaysnaa oo meel buu u wada jeedaa, intii doorashada ka dambaysana waxana aynu la kulanay jawi siyaasadeed oo ka aloosan aduunka, gaar ahaan mandaqadda Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay iyo Bariga dhexe oo aynu aad isugu xidhanahay, waxaana  soo baxay loollan siyaasadeed oo dadku dhinac isku raacayo oo nin waliba dantiisa qiyaasayo oo aad u gad-gaddoon badan, haddii aynu Somalilnad nahayna markii aynu danahaas is dhaaf-dhaafaya eegnay, inaga waxa inoo dan ah inaynu danteena, mustaqbalkeena iyo himiladeenu halka ay ku jirto aynu doonano, markaad doodo is garab socda iyo xulufooyin is garab socda mid raacdona, midna cadaawad iyo godob baad kala kulmaysaa, midna hiil iyo abaal baad kala kulmaysaa waad is-gaashaan buuraysanaysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafka Khaliijka

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa sidoo kale bulshada u sharraxay  meelaha ay ka eegeen  go’aanka ay xukuumad ahaan ku taageereen dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga oo khilaafka dalalka khaliijka isku aragti ka ah, waxaana uu dul is-taagay dheefta ay qaran ahaan ku qabaan labadan dal, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Markii uu soo baxay khilaafka carabta ee Khaliijku, markii aanu dhinac walba ka rognay ee talo badsannay, waxaanu door bidnay in aanu isu bar-barinno dhinaca Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, fagaare iyo faqbana waa nalaga weydiiyey, sababtuna way caddahay, labada meelood ee Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga danta aanu ku qabno, kuma qabno qolooyinka ay iska soo hor jeedaan. Abu-dubai  ama Imaaraadka Carabta weynu ku dhaqannay, tujaarteenna iyo shirkadaha ugu waaweyn ee horumarka dalkeena gaadhsiiyey ee shaqo-abuurka inoo sameeyey ee inta badan dadkeenu ku tiirsan yihiin ee Hal-abuurka lihi halka ay ku koreen waa Imaaraadka Carabta ee meel kale ma aha, markaa intaanu Imaaraadka ka baydhno hantiile yaasheena cadaawad usoo jiidi mayno oo meel madhan u guuri mayno.”

Xoolaha Sucuudigu xayiray

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo uu ka hadlay xayiraadda uu sucuudigu saaray xoolaha nool oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dib loo furo, waxaanu yidhi, “Hadii aynu Somaliland waxa aynu dhoofinaa hal shay oo xoolaha nool ah, xoolaha noolna waxa weligeenba saylad inoo ahaa Sucuudiga, inkasta oo uu muddo joojiyey, haddana wada-hadallada socda waxa aanu rajaynaynaa in dhawaan la furi karo oo xoolaheenu saylad helaan, taasina kuma iman colaad uu Sucuudigu u hayo Somaliland ee waxa ay ku timi arrin farsamo caafimaad oo dadka qaarkii leeyihiin dad Somaliland neceb ayaa xoolo xanuunsanaya ku daray xoolihii dhoofayey.”

 DP world

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand, Mudane Muuse Biixi  Cabdi waxa uu sheegay in dhinacyo badan laga eegay heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, isla markaana uu heshiiskaasi yahay mid mustaqbal ahaan aad ugu wanaagsan Somaliland, waxyaabo badanna uu qarankani ka faa’iidayo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii dantaa hore ee Taariikhiga aynu tix-gelinay, ta soo socota maxaynu kaga dooranay kuwaa kale ee aynu ugu gelaynaa inaynu kuwaasna collowno kuwanna is raacno, mar haddii rag is hayo, waa kowe, Imaaraadka Carabta shirkadda ugu weyn ee DPWorld waxa ay noqotay Afar shirkadood oo usoo tartamay inay Berbera  ka shaqeeyaan oo ay ugu tug-tug roonayd tii Faransiiska ee Bollore, waxa ay noqotay tii ugu wanaagsanayd heshiis la inoo soo bandhigo, dhinaca macaamilka dhinaca dhaqaale iyo dhinaca mustaqbalka fog waxa laga dhaxlayo heshiiskaas. Heshiiska la gelayaayo ee Baayac-mushtar marka hore ee la gelaayo ee la gor-gortamaayo sida loo kala lacag badan yahay ee loo kala itaal roon yahay ayaa la isu gacan maroojiyaa, ma waxa aad eegtaa maanta maxaad qaadanaysaa, mise waxa aad eegtaa maxaa Raandhiis helaya ee laga helayaa heshiiska.”

Waxyaabaha dhaxal-galka ah ee ay shirkadda DP World Somaliland uga tegayso, ayuu madaxweynuhu mid mid u sharraxay, waxaana uu sheegay in dhismaha deked casri ah oo iyo dariiq isku xidha dekedda iyo Dalka Ethiopia ugu muhiimsan yihiin, “DP World waxa ay noqotay shirkadda qudha ee badka soo dhigtay marka aynu muddadaa aynu ku heshiinay dhammaato waxa aanu ka tegaynaa dekeddaa Berbera inta ay le’eg tahay in le’eg annagoo dhisnay oo noqonaysa 400(afar boqol) oo Mitir oo deked ah iyo waddadii isku xidhi lahayd dekeddaas iyo dalalka Jaarka ah, markaa ninka heshiiska Berbera aad Carrabka ugu dhuftow ma waxa aynu eegnaa maanta dekeddaas oo aanad adigu dhisi karaynin ama waddada, ma waxa aynu eegnaa waxayga aniga ii horumari oo isii aniga kaash aan raamsado oo berri aan raandhiis lahayn, mise wax badan oo dheef ahi yaanu ina soo geline waxa aynu dhisnaa wax dalka mustaqbal u noqda oo dhisma oo laga tago,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Soomaaliya

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in wiilka maanta maamulka Muqdisho Ra’isal wasaaraha ka ahi uu waqti dhaweyd qaxootinimo ku joogay caasimadda Hargeysa, balse uu maanta abaal-gud uga dhigay shacabka reer Somaliland inuu ku tilmaamo qaar maamulkiisa hoos yimaadda, taasina ay marag ka tahay abaal ka dhaciisa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inamada jooga ee haatan xamar ka taliyaa ama dhallinyaronimo ha qaado, ama is yeel-yeel ha ka ahaatee  waxa ay illowsan yihiin wiilka Ra’isal wasaaraha ahi shalay isaga oo qaxooti Hargeysa ku jooga ayuu hay’ad yar oo NGO ah ka shaqaynayey, Abaal laawe, isaga oo Hargeysa qaxootinimo ku jooga, ayuu maalintii rimay-gacmeed ku doorteen qolo ciidamo ajaanib ahi ilaalinayaan yidhi Berbera ayaan xukumaa, Anigu caqliga caynkaas ah u jawaabi maayo, idinkuna waqti ha iskaga luminina, wixii uu yidhi iyo wixii Baarlamaankiisu meel mariyey waxa laga rabaa  meeshii uu la tegi lahaa ee uu ka hirgelin lahaa, qolada gabaydaa naftii hafar bay yidhaahdaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here