Madaxweyne Biixi Oo Gacanta Dawladda Ku Soo Celiyay Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Adeegyo Ay Shirkado Gaar Ahi Ka Samaysteen Gudaha Madaarka Cigaal

0
24876

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL  Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in dawladda Somaliland la wareegtay maamulka haamaha Berbera, amniga iyo barxada baabuurta la dhigto ee madaarka Cigaal.

Wareegto uu Madaxweyne Biixi shalay soo saaray ayuu ku cadeeyay go’aankan. Go’aankan Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inuu yahay go’aankii ugu taageerada badnaa ee ay shacabku soo dhaweeyeen ee uu qaatay mudadii uu talada Somaliland hayay.  Wareegtada Madaxweyne Biixi ayaa u dhignayd sidan:

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                  Qodobka 14aad xubintiisa 1aad iyo Qodobka 54aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka;

Markaan Arkay:                 Qodobka 3aad (2) (kh), 32 (2) (g), iyo 33 (2) (b) ee            Xeerka Hay’adda Duulista Madaniga ah ee Xeer        Lr.70/2017;

Markaan Arkay:                 Qodobka 6aad ee Xeerka Takaalifta Amniga Madaarada                     ee Xeer Lr. 61/2013;

Markaan Garwaaqsaday:In daryeelka iyo ilaalinta hantida guud ay tahay             waajib saaran xukuumadda, hantidaas oo hadii loo baahdo lagu wareejin karo kali ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka            dalka;

Markaan

Xaqiiqsaday:     Mihiimadda ay leedahay la soo noqoshada hantida dawladda, oo il-duuf sharci ku jiro habka loo wareejiyay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

Markaan

Arkay:                 Mihiimadda ay leedahay in dawladdu la soo noqoto hanti-ahaan iyo maamul ahaanba Haamaha Shidaalka Berbera,  Adeegga Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Baarkinka Madaarka Cigaal, sababo amni iyo dhaqaale awgeed;

Markaan Xaqiiqsaday:     In sii wadidda heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada bulshada ee ay xukuumaddu ka masuulka ahayd aanay ku jirin danta guud ee qaranka, isla markaana ay ka hor imanayso waajibka xukuumadda ka saaran ilaalinta hantida Qaranka iyo uga faa’iidaynta dant guud;

Markaan Helay:              Talo soo jeedinta guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Heer Qaran iyo talo bixintii sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadahah BOG, SRM iyo EPASS;

Waxaan Go’aamiyey;

1)      In la buriyay heshiisyadii lagu wareejiyay adeegyada: Haamaha Shidaalka (BOG), Adeegga Amniga Madaarada (SRM), iyo Adeega Baarkinka Madaarka Cigaal (EPASS).

2)      In xukuumaddu ay gabi ahaanba ula soo noqotay si sharciga waafaqsan maamulkii, gacan-ku-hayntii, Adeegii iyo Qalabkii Haamaha shidaalka ee Berbera, Amniga Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo Adeegga Baarkinka Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee ay hayeen shirkadaha kala ah; BOG, SRM iyo EPASS.

3)      In Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hay’adda Duulista Hawadu ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha BOG, SRM iyo EPASS ku maalgaliyeen Haamaha Shidaalka Berbera, Amniga Madaarkada Caalamiga ah ee Cigaal iyo Baarkinka Madaarka, soona xaqiijiyaan dhaqaalaha ay ka heleen.

4)      In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5)      In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here