Madaxweyne Biixi Oo Dawladda Soomaaliya Ku Eedeeyay Inay Lugta Hayso In Somaliland Deeqaha Dibedda Ka Maalgashato Mashaariic Waaweyn

0
517

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay hor-tagay labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaanu u jeediyey khudbad-sanadeedka 2021-ka.

Khudbaddan oo socotay muddo dheer, ayaa waxa uu Madaxweynuhu kaga hadlay siyaasadda Arrrimaha dibedda, Dhaqaalaha iyo Arrimo kale oo ay ka mid yihiin Deeqaha Beesha Caalamku siiso Dal la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Dawladda Soomaaliya lugta hayso in Deeqaha Beesha Caalamka ka yimaadda Mashaariic waaweyn oo raandhiis leh lagaga fuliyo gudaha Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waxa Somaliland ka hesho Beesha Caalamku uu yahay gargaar deg-deg ah, haddana deeqahaasi in laga Maalgeliyo Mashaariic Mustaqbalka laga faa’idaysan karo ay carqalad ku tahay Dawladda Soomaaliya “Deeqaha dibadeed ee la innagu caawiyo waxa ay u badan yihiin Gar-gaarka Deg-degga ah iyo mashaariic horumarineed oo tijaabo ah. Marxaladda siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro,ee Xukuumadaha Xamar lugta jiidayaan, ayaa carqalad ku ah in Deeqaha Dibedda laga maal-galiyo mashaariic waaweyn oo raandhiis leh.”

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa kale oo uu khudbaddiisa eedaymo ugu jeediyey Dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay Shacabka Muqdisho u Afduuban yihiin, maaddaama oo Madaxweyne Farmaajo oo muddo-xileedkiisii dhamaaday uu weli kursiga sii fadhiyo “Muqdisho dadka ka taliya shacabka Muqdisho iyagaaba u afduuban, dadwaynaha Muqdisho way ogyihiin wayna arkayaan waxa dhacaya..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Madaxda Soomaaliya ay mar walba Warbaahinta ka sheegaan in Soomaali kala maarmi karin, laakiin ficillada Masuuliyiinta Soomaaliya ay dadka sii kala fogaynayaan “Waxay ummadda u sheegaan Soomaali ma kala maaranto iyo walaalayaal waanu idiin baahan nahay, hadday walaalnimadu jirto nin ka walaalkaa karaameeya adigana wuu ku sharfay.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Soomaaliya ka xumaato wixii u soo kordha Somaliland “Marka ay Soomaaliya maqasho Somaliland dal baa casuumay, waxa la yaab leh cadaawadda, naca iyo talaaboyinka ay qaadayso ee jar iska xoor ka ah” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa sii raaciyey  “Markaa Dadka talada u hayaa Soomaaliya, Soomaali inay isku keenaan iskadaayoo, talaabooyinka ay qaadaan waa kuwo aanay Soomaali waligeed isku imanayn”

 

Geeska.net/Hargeisa Office