Madaxweyne Biixi Oo Bedelay Mawqifkii Uu Ka Qaatay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

3
9272

Hargeysa-(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay Somaliland ka go’antahay inay hirgalaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu shalay Hargeysa kula yeeshay wefti ka socda Midowga Yurub oo Hargeysa ku sugan.

Dhawaaqii hore ee Madaxweynaha

Hadalkan Madaxweyne Biixi ayaa aad uga fog hadal uu toddobaadkii hore ka sheegay magaalada Burco oo ahaa in Somaliland aanay wada hadal la galayn Soomaaliya ilaa ay Soomaaliya ku dhawaaqdo madaxbanaanida Somaliland. Madaxweyne Biixi wuxuu maalintaas yidhi “Ma aha Somaliland mid indhaha laga qarin karo. Xuduudkii uu ingiriiska dhisay baan ku taagannahay, waxaana dooneynaa ineynu wadahadal iyo nabad ku kala baxno laakiin inamada maanta Xamar ka talinaya wey la noqon weyday ” ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaas raaciyay “Ballan waxaan ku qaadnay in aynaan wada hadlin inaad timaaddaan idinkoo xornimadeenna ogol mooyaane.”

Maanta iyo Madaxweynaha

Hase yeeshee, sida ay madaxtooyadu sheegtay Madaxweyne Biixi wuxuu shalay weftiga reer Yurub u sheegay mawqif ka duwan kaas hore, waxaanay madaxtooyadu tidhi “Waxa kulankaasi lagu soo qaaday wada hadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo soo celin lahaa oo uu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.”

Falanqayn

Faraq  diblomaasiyadeed oo aad u weyn ayaa u dhexeeya labada hadal ee Madaxweynaha. Maalintaas uu madaxweyne Biixi ka hadlay Burco waxa isna ka daba hadlay oo BBC Somali u waramay afhayeenka Madaxtooyada oo isna sii ta’kiidiyay go’aanka Madaxweyne Biixi. Waxa markaas loo qaatay inuu yahay go’aan uu Madaxweyne Biixi ka qaatay wada hadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa hadalka Madaxweyne Biixi maalintaas ku tilmaamay mid ay cadho ka keentay, iyadoo wejigiisa laga dareemayay xoogaa cadho ah.

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid hadalka Madaxweyne Biixi ee uu ku joojiyay wada hadalada. Si rasmi ah looma garanayo sababta toddobaad gudihii bedeshay mawqifkii uu Madaxweynuhu qaatay.

Qoraalka Madaxtooyada

Madaxtooyada Somaliland qoraalka ay shalay ka soo saartay kulanka Madaxweyne Biixi iyo weftiga oo sidoo kale lagaga hadlay amuuro kala duwan, ayaa u dhignaa sidanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaadhan oo ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga  Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa kulankooda diirrada ku saaray arrimo dhawr ah oo salka ku haya xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedelada siyaasadeed ee geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo wefdigu waxay ka wada hadleen isbedelada siyaasadeed ee ka socda geeska afrika iyo sidii uu u noqon lahaa mid nabadeed oo wax wanaagsan ku soo kordhiya mandaqa. Waxa kale oo kulankaa lagu soo qaaday dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Berbera iyo wajaale sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen midawga yurub.

Waxa kale oo kulankaasi laga wada hadlay qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, isagoo madaxweynuhu u sheegay weftiga in ay xukuumaddu dhinaceeda mar hore iska dhamaystirtay wixii looga baahnaa ee dhinaceeda ku xidhnaa. Sidoo kale waxa laga wada hadlay  biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa,       Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Wajaale,  waxaanay xubnaha weftigu madaxweynaha ku bogaadiyeen balan qaadkii uu madaxweynuhu u sameeyey biyo balaadhinta Caasimada ee dhamayd halka Milyan ee doolar ($1Milyan).

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu soo qaaday wada hadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo soo celin lahaa oo uu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here