Madaxweyne Biixi Oo Amray In La Sii Daayo Suldaan Cunaaye Oo Xukuumadda U Xidhnaa

35
2884

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka dalbaday xeer ilaalinta in la sii daayo eedaysane Suldaan Maxamed Muuse Cunaaye oo muddo dheer u xidhanaa xukuumada kadib markii madaxweyne Muuse Biixi uu amray sii daynta ninkan.

Wasiir Maxamed Kaahin qoraalka uu ku socodsiiyay xeer ilaalinta oo soo gaadhay wargeyska Geeska Afrika, kuna taariikhaysan 1 September 2018 waxa uu u dhignaa sidan  “Aniga oo tixgalinaaya amarka madaxweynaha JSL ee sii daynta eedaysane Maxamed Muuse Cunaaye. Haddaba mudane xeer ilaaliye waxaanu halkan kugula socodsiinaynaa inaanu ka noqonay dacwadii eedaysanaha kor ku xusan.

Sidaas daraadeed waxaanu kaa codsanaynaa inaad sii daysaan eedaysanahaas.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here