Madaxweyne Biixi Oo 15 April U Asteeyay Maalinta Dhirta

30
2882

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa 15 April u asteeyay inay noqoto maalinta dhirta ee Somaliland.

Qoraal madaxtooyadu soo saartay ayaa lagu yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba. 

Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:

Wareegto Madaxweyne 

Maalinta Dhirta Somaliland 

Markaan

Arkay:                  Qodobka 90aad,  34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad,  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markaan

Arkay:                              Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan

Dersay:                 Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;

Markaan Arkay:                  In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;

Waxaan Go’aamiyey; 

In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.

In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.

In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here