Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta Socdaal Ku Tagaya Dalka Djibouti

0
840

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta socdaal ugu baxaan dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Madaxweyne Biixi ayaa dalka Djibouti wuxuu u hoggaaminayaa maanta xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaanu warku intaas ku daray inuu kulan la yeelan doono dhiggiisa dalka Djibouti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Waxa la filayaa inay ka wada hadlaan danaha labada wadan, xaaladaha gobalka Geeska Afrika iyo suurtogalnimada inay sii ambo qaadaan wada hadaladii hore u dhex maray.

Waa socdaalkii labaad ee uu Madaxweyne Biixi ku tago dalka Djibouti tan iyo markii bishii November ee 2017 loo doortay Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena wuxuu noqonayaa socdaalkii 7aad ee uu dibada ugu baxo tan iyo wakhtigaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here