Sideedaba, dagaaal adag oo noocan ah markaad gelayso wuxu u baahan yahay dagaal af iyo addinba ah, waxa la sameeyaa sharcigii qaban lahaa, waxa tababar la siiyaa cududdii hawshaa qaban lahayd, waxa 'siminaarro' loo furaa shaqaalaha dawladda iyo ciidammada oo dhan lagu war-gelinayo dagaalka qaran ee la rabo in la qaado, waxa la isugu yeedhaa culimada si ay uga hadlaaan ciqaabta musuqu leeyahay aakhiro, waxaana la hawl-geliyaa abwaannada iyo fannaaniinta si ay uga gabyaan ama uga heesaan. Bal u fiirso labadan tusaale:
Dawladdii 'Kacaanku' markii ay carcarteeda qabtay ee aanay weli jidka qalloocan raacin, waxyaalaha ay higsanaysey waxa ka mida ahaa la- dagaallanka musuq-maasuqa, murtidii abwaaniintu ka tiriyeen waxa ka mid ahaa hees caan ahayd oo ay wada qaadaan Cabdi Cali Baa-calwaan iyo Xareedo Ismaaciil (Duniyo). Haddaan xasuusto malaha maalin-dhaaf waa looga soo dayn jirey Radio Muqdisho, bal hadda midhaheeda ila dhuuxa:
Hawlaha arlada, Haddii lagugu aamino,
Ummadda u shaqeeyiyo, Adeegaa lagaa dhigoo,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Ehelo sheego,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Ina-adeerso,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Aqallo jeexo,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Afka buuxso,
Ha is-odhanin cidi kuma arkaysee, Shaqo ha aadin,
Ha is-odhanin kani kuma addeecee, Qalin ku aarso,
Ha is-odhanin kanaa kula-ujeedda ah, Awr u buuxi,
NIN XIL QAADAY EED QAADYEEY HOYAA
Waxa murtida ku dhan qaybihii kala duwanaa ee musuqa.
Isbeddelka la yidhaa dib-u-curashada ee dawlad- deegaanka Soomaalida Itoobiya ee maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, wuxu dagaal af iyo addin ah ku qaaday musuqa, bal u fiirso mid ka mid ah murtida la yaabka leh ee wacyi-gelinta:
Wuxu musuq-maasuq yahay, Si aad uga maarsataan,
Macnuhu ha idiin dhacee, Ninkii moogow na maqal,
Mas'uuliyaddiyo xilkoo, Si kale loo maamuloo,
Bulshada lagu kala madhoon, Midnimo waxba loogu qaban,
Kanaa ma-huraan ah iyo, Maddaha eex loogu dhaco,
Ayuu musuq-maasuq yahay,
Ninkii maamula horumarkiyo, Maaraynta dan guud la rabay,
Mashaariic lagu dhisoo, Manaafiicsado shacbigu,
Haddana meel kale la mara, Ayaa musuq-maasaq galay,
Ninkii malafsiga bartow, Komishan baa maanta jira,
Middida soofaystayoo, Musuqa dabar-goynayoo,
Sharciga meel-marinayee,
Mareegtiyo dabinka xidhan, Is-moogaan hawgu dhicin,
Maah-maah baa waxay ahayd, Macal cune muuqan doonee,
Musuq-cune muuqan doonee,
Guri wada muraayada, Maalintii ad dhimatana,
Aan lagugu maydhayn, Oo maydkaaga laga raro, Musuq-maasuqaa dhala, Muddada shaqada u cayiman, Ninkii meeraysta ee, Adeeggii laga mudnaa, Maal iyo laaluush ku xidha,
Maan-gaabka xilkiisa gabay, Meeshuu doona iska mara,
Ayaa musuq-maasuq galay,
Elsiiyada lagu mushtaro, Magaaladii loogu qoray,
Maceeshadda kaan u geyn, Macaash wayn si uu u helo,
Ninkii meel kala la mara, Dadkana macaluul ku rida,
Ayaa musuq-maasuq galay,
Middiyo seedaha jariyo, Musbaar teetano ah iyo,
Mar waa mugdi lagu dhex lumo, Mar waa marad iyo xanuun,
Wuxuu minjo-xaabiyaa, Majarihii dawladnimo,
Masiibo colaad ah iyo, Mushkilad lays wada diloo,
Miciinku is wada qashoo, Lays magan gelin waayo iyo,
Dagaal macaluul ka taga, Midhkaasaa laga dhaxlaa musuqa,
Afkiinna caano lagu qabay kooxda Liyuu Band, waxaasaan dagaal u aqaan dee, heestaa ugu yaraan shan jeer waa laga saaraa toddobaadkiiba ESTV, dhammaan shirarka iyo tababarrada maamul toosinta ee uu qabto komishanka anshaxa iyo ka hortagga musuqa waa laga hor qaadaa. Komishankani dawlad-degaanku waa mid awooddiisu buuxdo oo ilka wax gooya leh waayo dawladdaa u aragta musuqa mushkilad dagaal ba'an ka mudan, go’aansatayna tir-tiriddiisa. Weli miyaa maqasheen gabay, hees ama wacdi diini ah oo si gaar ah u bar-tilmaameedsanaya musuqa oo ka baxaya radio Hargeysa iyo TVga qaranka? Midna ku darsoo abwaanka ama fannaanka ka heesa ama ka gabya waxaan dawladdu rabin kacaan- diid ayuu noqdaayo waaba la xidhaa, haddii la doono. Bal u fiirsada ololaha cashuur-ururinta miyaanay dhegihiinna ka badan heesta “bulshooy soo bixi cashuurta” oo xitaa radio iyo TV iska daayoo baabuurta mikirifoonno loo saarin iyo kuwa kale ee dhismaha waddooyinka dhiirri-geliya ee “Dhulkiina u hura waxaad haysaan, Ceeri-gaaabo u hura waxaad haysaan” iyo “ Taariikhdu qarin mayso ilahayna qadin maayo qabyatire dariiqeenna”. Hadal haamo lagama buuxshee sidaasaan dagaal sanqadh-tirasho lihi u dhicin, sidaa darteed musuq dawladdani lama dagaalamin haddaanay sida shaydaanka naarin.
Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisii koowaad ku sheegay inuu u adeegsanayo musuqaa baahsan ee uu dhaxlay hantidhawre awood leh iyo aasaasidda hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Waa yahay, haddaba hanti-dhawrkii ma shaqeeyey? Immisa qof ayaa Maxakamad loo soo taagay xatooyo xoolo-dadwayne? Bal ila eega warbixin sannadeedkii gudoomiyah Maxakamadda Gobolka Maroodi-jeex ee 2015kii. Waa gobolka ugu dadka badan, dabcan uguna kiisaska badan. Waxay ka gar-qaadeen 1,491 kiis oo ciqaab ah sannadkii tegey, waxanay kala ahaayeen dil, isku-day dil, shil-baabuur, dhaawac culus, kufsi, tuugo, budh-cadnimo, khasaare maaliyadeed, abaabul-khiyaamo, dagaal laba saf ah, maandooriye, shilal gaadiid iyo xeerka nabadgelyada ee law number 51. Halkaa miyaa ku haysaan wax lunsi hanti-qaran ah?
Waxa timid hay’adda maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, waxa lagu sameeyey ragaadin aanay tallaabo rogi karin, siduu xildhibaan Maxamed Cali Xirsi sheegayna waxaaba lagu soo koobay ilaalinta saacadaha shaqada iyo wax la mid ah.
Bal aynu wada eegno waraysi wargeyska Dawan 7dii September 2015 la yeeshay Guddoomiyaha hay’adda qaran ee Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa macallinkaygii Al-ustaad Axmed Muxumed Madar:
Su’aal:
Muddada shanta sannadood ah ee ay hay’addiinnu jirtey, marka laga reebo in aad noqoteen hay’ad dawli ah oo cusub oo miisaaniyad leh, maxaa la taaban karaa oo aad waajibaadka la idiin abuuray ka qabateen?
Jawaab:
“Horta waajibka naloo abuuray , markii lagu dhawaaqay komishankan wuxuu ahaa in awooddeedana loo siiyo. Nasiib-darro awoodahaasi komishanku ma uu helin oo kama helin xagga Goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda. Markaa waxa wiiqay wax-qabadkayagii awoodahayagii aanu doonaynay in nala siiyo nalama siin. Haddaba iyada oo ay sidaas tahay kamaanu-niyad jabin ee wixii aanu ka qaban karayney maamulkaa qalloocday in aanu toosinno waanu u guntanay intii karaankayaga ah. Waxay ku soo ururtay awooddayadii in aanu warbixino ka diyaarino qaladaadka iyo dhalliilaha aanu arangnay oo aanu raacinnay wixii lagu toosin lahaa taasina waxanu u gudbinney ciddii noo igmatay. Hawshaa intii dhinacayaga ahayd annagu waanu qabannay wax nagaga soo noqdayna ma jiraan." La Soco….