Kooxaha MACALIN CALO IYO JIG-JIGA YAR Oo Iskugu Soo Baxay Koob Lagu Xusayay MAXAMED-RASHIID CUP

0
616

Tartan lagu xusayey Sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay geeridii Saxafigii weynaa Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo indhawaalaba ka socday garoonka kubada kolay ee Tima-Cade, ayaa ciyaarta kama dambaysta (Final) waxaa iskugu soo baxeen kooxaha JIG-JIGA YAR iyo MACALIN CALO. Tartankan oo ay ka soo qayb-galeen Lix kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka labaad (Seria B) ee kubada kolay, ayaa waxaa Afar-Dhammaadkan (semi-final) tartankan iskugu soo baxay kooxaha; Macalin Callo, Tima-cade, Jig-jiga Yar iyo Abaarso Tech. 

Ciyaartii koowaad ee Wareega Afar-Dhammaadku waxay dhex martay kooxaha Jig-jiga Yar iyo Abaarso Tech, ciyaartan oo ahayd mid xiiso iyo xamaasad badan lahayd labada kooxoodna xaga awooda ay is ceshanayeen ayaa kooxda Jig-jiga Yar waxay guushu ku raacday 34 dhibcood, Halka ay ciyaartii labaadna ku kulmeen Laba kooxood Maclin Callo iyo Tima-Cade ayaa ahayd mid labada kooxood ay ahaayeen kuwo isciyaar fahmaya oo inta badan wada ciyaaraan, waxayna guushu raacday Kooxda Macalin Calo oo ay guushu ku raacday 65 dhibcood.

Waxaana ciyaarta kama dambaysta ah iskugu soo baxay kooxaha JIG-JIGA YAR IYO MACALIN CALO, Ciyaartaasina waxaa la ciyaaridoonaa maalinta khamiista 28 January 2016 ka.