“Madaxweynaha Waxaan Su’aalayaa Awooddii Madaxweynahu Horta Halkay Ku Luntay?. Miyuu Ka Tanaasulay Awooddiisii?”

0
556

Picture6Hargeysa(Geeska) :-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan), ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay in uu xal ka soo saaro khilaafka muddooyinkii danbe ka taagnaa muddo kordhinta, waxaana uu sida oo kale  u soo jeediyey in uu adeegsado awoodiisa distooriga ah isla-mar-ahaantaana uu go’aan ka gaadho khilaafka muddo kordhinta, isaga oo u soo jeediyey tallaabooyin xal ah oo uu sheegay in uu awood sharci u leeyahay in uu sameeyo madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wariye Badri Koosaar Maxamuud oo ka hawl-gala Talefeeshanka Star, ayaa sida oo kale su’aal galiyey awoodda Madaxweyne Siilaanyo ee talada dalka isaga oo barbar dhigay wakhtigii Madaxweyn Daahir Ra’yaale uu go’aanka ka gaadhay doorashooyinkii Baarlamaanka oo qabsoomidoodii uu khilaaf ka taagna isaga oo carabka ku dhuftay in Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo in uu go’aan deg-dag ah u soo saaro siddii Madaxweyn Daahir Ra’yaale. “Dalka waxa u madaxweyne ah odeyga(Siilaanyo), shacabkuna cod badan ayaa uu siiyey, waa la doortay, ha la doorto e’ dalku distoor ayaa uu leeyahay, distoorku annaga kordhiya ayaa uu na odhanayaa se ka noqda na odhan maayo, meesha nooma taallo annaga taasi, waxa se meesha yaala distoorka marka qodobka 38aad laga soo qaado ilaa dhammaadkiisa intaa waxaa ku xardhan awooda madaxweynaha, awooda madaxweynahuna siyaado weeyaan, dalkana isaga ayaa u madaxweyne ah, marka horena xisbiyada iyo xukuumadda isaga ayaa diray, iyaga ayaa heshiiyey, waajibka uu markii hore lahaa waxa uu ahaa in aanu Guurtida ka barbar tegin oo aanu oggalaanin heshiiska ay xisbiyadu galeen oo Guurtida uu ku daayo, ayaa mida waajibku ahaa. Hadaba haddii uu isagu arrintaas qabtay oo uu xisbiyadii isu keenay oo uu gogal u dhigay oo ay heshiiyeen iyaga iyo xukuumaddu, waajibku waxa weeyaan in isagu uu xal keeno marka runta laga hadlaayo.”.Ayuu yidhi Md.Axmed Gacan.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Madaxweynaha distoorka ayaa u banaynaaya laba qodob, kow in uu wareegto soo saaro oo uu si toos ah u yidhaahdo doorashadaydii wakhtigaas ayey ku eeg tahay oo ama tii xisbiyada ha raaco ama ha ka baydho e’ in uu wareegto soo saaro si sharci ah ayuu xaq ugu leeyahay. Arrinta labaad ee uu xaq u leeyahay waxa weeye in uu Komishanka Doorashooyinka u yeedho oo uu yidhaahdo wakhtigiina cayima oo ama koodii hore ha ku eekaadaan e’ ama mid kale ha cayimeene isaguna uu markaas wareegto ku lifaaqo. Labadaasba sharciga ayaa u banaynaya, in uu se Guurtida ku meeraysto oo uu yidhaahdo Guurtida ayaan la hadlaynaa waajib uma laha, Guurtidu waa ay dhammaysay, kordhisay, isku khilaaftay anigu waan ka soo horjeeday kordhintaas, maantana Guurtidu meel ay ka noqoto ma hayso.”. Md.Axmed Gacan, ugu danbeyntii waxaa uu madaxweyne Siilaanyo uu u diray fariin ku aadan xalinta khilaafka ka taagan muddo kordhinta.“Fariinta aan u dirayo madaxweynahu waa isaga ayaa dalka ka mas’uul ah, waxaanan horta su’aalayaa awoodii madaxweynahu horta halkay ku lunta?. Markii ugu danbeysay ee Inna-Ra’yaale haystay dalka wakhtigii la isku qabtay doorashada Baarlamaanka si cad ayaa uu awood u soo saaray kana awood ayaa uu xaq u leeyahay, awoodiina halka ay ku luntay isaga ayeynu horta weydiinaynaa, miyuu ka tanaasulay awoodiisii mise weli siddii ayey tahay oo waxbaa uu u banneeyey, waxaana aan ugu baaqayaa xal adiga ayaa lagaa rabaa ee xal keen!.”.Ayuu yidhi Axmed Gacan.