“Madaxweynaha Waatii La Qalay, Qaliin Yar Oo Fududna Waa La Qalay, Waanu Caafimaad Qabaa, Caafimaadkiisuna Waa Taam”

0
985

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa fariin adag u diray Beesha Caalamka, xilli lagu wareejinayo maamulka Hawada Somaliland iyo Somaliya Dawladda Somaliya ka talisaa, waxayna ugu baaqday Beesha Caalamka in ixtiraamaan aayo ka tashiga shacabka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Caadani oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale digniin u diray Dawladda Somaliya, waxa kale oo uu ka hadlay caafimaadka Madaxweynaha iyo Munaasibada Ciidda Carafo, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo la hadlaya Beesha Caalamka  “Waxaan Beesha Caalamka leeyahay Somaliland muddo sodon sanno ku dhaw ayey xor ahayd, dadkeeduna waa dad isku tashaday, waa dal iyo dad og meesha ay u socdaan,waxaan leeyahay Jamhuuriyada Somaliland waxay dawo ka tahay waxa Somaliya ka socda, waxay ka tilmaaman tahay mandaqada Geeska Afrika oo dhan, haddii ay nabadgalyadeeda tahay iyo haddii iyo horumarkeena tahayba, waxa Somaliland ka hirgalay Dimuqraadiyad dhamaystiran iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, Beesha Caalamka waxaan leeyahay waad ka war qabtaan in Somaliya aanu kala ahayn laba dal oo isku tagay, dibna aanu ula soo laabanaya qaranimadaydii, ee  nagu qadariya jiritaankayaga iyo dawladnimadayada, qaranimada Somaliland maaha mid ka soo noqosho leh marnaba, haddii kun sanno qaadanayso, ee Beesha Caalamka waxay dani ugu jirtaa inay qiraan jiritaankayaga”.

Wasiirka Warfaafintu mar uu digniin u diray Dawladda Somaliya wuxuu yidhi “Dawladda Somaliya ee aanu jaarka nahay waxaan u sheegaynaa inay maaweelada ka  daayaan dadkooda, oo xaqiiqada isku sheegaan, oo aanu ahaano laba dal oo jaar ah, oo wixii ay wada qabsanayaan wada qabsada, waxaan leeyahay Dawladda Somaliya ka baxa riyada khiyaaliga ah ee aad ku jirtaan, oo niyadiina ka saara inaad maamushaan wax yar oo ka mid ah hawada, barriga iyo badda Somaliland oo dantiina ku eekada”.

Wasiirka Warfaafintu mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Doorasho ayaa inagu soo socota, Doorashooyin hore ayeynu soo galnay, Doorashadana diyaar ayeynu u nahay inaynu qabsano, warwar kama qabno inay dib inooga dhacdo, umad islaam ah ayeynu nahay, umad soo halgantay ayeynu nahay, umad waxaynu ku dhismayno iyo waxaynu ku dumayno kala garanaya ayeynu nahay, Doorashaduna si fiican bay inoogu dhacaysa, aynu ka feejignaana cid walba oo khal-khal wadi karta, ama abuuri karta wax walba oo aan caqligeena iyo maskaxdeena aan gali karin, saddexda Xisbina waa Saddex Xisbi oo walaalo ah, ee Saddexda Xisbi codkuun bay kala riixanayaane, ee cadaw iskuma aha, Xisbiyadana waxa kala saari doona Shacabka, maantana wax warwar ah oo aynu ka qabnaa Doorashada ma jirto, Madaxweynuhu wax warwar ah oo uu ka qabaa Doorashada ma jirto, Xisbiyaduna wax warwar ah oo ay ka qabaan Doorashada ma jirto, ee aynu warwarka iska dayno”.

Wasiirka Warfaafinta mar uu ka hadlaayey ciidda ayaa yidhi“Umadda Jamhuuriyada Somaliland oo dhan waan hambalyeynayaa, haddii ay yihiin Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Madax-dhaqameed Dhalinyarada, Ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ha ahaadan Milatari, Boolis, Ciidamada Xeebaha, Sirdoonka, dhammaan waan hambaliyeynayaa, caruurtaydii iyo reerkaygiina waan salaamayaa, waxaan kale oo aan salaamaya, oo aan leeyahay ciid mubaarig Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta,  oo siddeed boqol iyo dheeraad ah, haddii ay tahay bahda Telefishanka,haddii ay tahay bahda Idaacada Radiyow Hargeysa iyo haddii ay tahay bahda Wargeyska Dawanba, waxaana Bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa in ciida wanaagsan lagu adkeeyo oo lagu kabo midnimada Qaranimada Somaliland, ”.

Wasiirka Warfaafinta oo aanu wax ka weydiinay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waatan la qalay, qalilin yar oo fududna waa la qalay, waanu caafimaad qabaa, caafimaadkiisuna waa taam, waxaana ugu ducaynaynaa inuu ILLAAHAYNA cimriga  u dheereeyo”.