Muqdisho (Geeska) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Dawladdq Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland la saxeexatay.

“Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in ay Dawladda Itoobiya ka soo laabanayaan waddadaas,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Hadalkan ayuu Madaxweynaha Somalia sheegay, kadib markii ay dalka Turkiga ay ku soo dhamaadeen wada-hadal u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo aan wax natiijo ah  laga gaadhin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku andacooday in Itoobiya ay tahay ta Turkiga ka codsatay inay dhexdhexaadiyaan Soomaaliya, wallow aanay jirin cid madax-banaan oo xaqiijin karta arrintaasi.

Wuxuu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya ayna wada-hadal toos ah yeelanin, balse Turkiga uu dhexdhexaad ka yahay.

Heshiiska Addis Ababa, ayaa dhigaya in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, taa beddelkeedana ay saldhig Ciidan ka samaysato Badda Somaliland.