Madaxweynaha Soomaaliya Oo Guddi U Magacaabay Wada Hadalada Somaliland Iyo Deegaanada Ay Ka Soo Kala Jeedaan

0
993

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa magacaabay guddi uu ugu magac daray dib u heshiisiinta iyo wada hadalada Somaliland iyo dawladiisa.

Wareegto uu shalay soo saaray wuxuu ku magacaabay guddi ka kooban 6 nin oo laba ka mid ahi ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland balse uu midkod ka tirsanyahay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana guddiga guddoomiye u ah xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo dawladii Cabdillaahi Yuusuf ka soo noqday wasiirka arrimaha dibadda, halka uu ku xigeena u yahay Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade. Guddiga uu Farmaajo magacaabay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa kala ah sidan

Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Biyo-maal)

Cabdiraxmaan Cabdi Guulwade (Sheekhaal)

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow (Hawiye, Abgaal)

Dr.Cali Siciid Fiqi, (Hawiye, Habar-gidir)

  1. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse (Isaaq, Habar-jeclo)
    4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangeli (Dhulbahanate)

Xeerka uu Farmaajo soo saaray wuxuu guddigan u xilsaaray qodobadan

  1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
  2. In ay diyaariyaan cilmi-baadhis tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
  3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
  4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
  5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here