Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xil ka Qaadis ku sameeyay Qaar ka mid ah Badhasaabbada Gobollada Dalka, Agaasimihii Baanka dhexe iyo Masuuliyiin kale.
Xil ka qaadistan oo daba socotay Isku-shaandhayn uu Toddobaadkii hore sameeyay Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu shaaciyey Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland, taasi oo iyagoo dhamaystiran u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, beddel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd
Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe
Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,
Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone
Ku: Abiib Xaamud Jibriil,
Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera
Mudane,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
Tir Magaca Xilka
1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.
3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.”
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland